What you may have missed

Friday, September 4, 2009

Dhalinyarta Xabsiyada Liibiya Lagu Jirdilay: Daawo Sawirrada

Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Xabsiyada dalka Liibiya ayaa waxa ay rajo xumo ka muujiyeen Xaaladooda. Maxaabiistan oo ah tahriibayaal Soomaali ah kuwaasi oo tiradoodu gaarayso 260-rag ah iyo 50-haween ah ayaa waxa ay sheegeen in dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ay ku qabaan Xabsiga Kaamfuuda ee Magaalada Banqaazi ee dalkaasi Liibiya.


Sawirada Daawo Dhalinyarta Dhaawacan



Labadii cisho ee ugu danbeeysay waxaa gudaha Xabsigaasi ku umulay 4-haween ah kuwaasi oo aan helin daryeel caafimaad oo ku filan sida Shabelle ay u xaqiijiyeen qaar kamid Maxaabiistaasi oo lahadlay.

Mid kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga Kaamfuuda ee magaalada Banqaazi oo lagu magacaabo Muxidiin C/laahi Cariig ayaa sheegay in xiriiro ay la sameeyeen Wafdigii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hogaaminayay islamarkaana Ra’iisul wasaare Sharma’arke uu u balan qaaday sida ay sheegeen in uusankatagayn Liibiya ilaa iyaga laga siidaayo hase ahaatee ay ka war heleen tagista Ra’iisul wasaaraha kadib xiriiro ay la sameeyeen Safaarada iyo dowladda Liibiya.

Maxaaabiista ayaa goostay in ay cunada ka soomaan maadama aysan xilligan muuqan dhaqdhaqaaq ay wadaan dowladda Liibiyo,dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha u dooda Xaquuqda aadanaha si dadkaasi xirin ay dib u helaan xuriyadooda.

Iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaasi ay ka cabanayaan Maxaabiista tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa waxa ay ugu baaqeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo cid kastoo gacan ka gaysan karto sii daysmadooda in xaaldooda il gaar ah ay ku eegaan.

Dhawaan ayay ahayd markii xabsi ku yaala Magaalada Banqaazi ee dalkaasi Liibiya ay ku laayeen Ciidamada ilaalada Xabsiyada dalka Liibiya dhalinyaro tahriibayaal Soomaali ah oo xabsiyadaasi ku xirnaa mana jirto ilaa iyo haatan cid ka hadashay arrintasi oo ah dowladda Liibiya iyo dowladda Soomaaliya waxaana wali sii kordhaya cabashada ka soo yeeraysa tahriibayaasha Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyda dalkaasi Liibiya.

Xigashada warka Shabelle.net


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.