Sida wararku sheegayaan C/raxmaan mocow iyo qaar ka tirsanaa saraakiishii maxkamadaha ee ka soo jeeday bariga, ayaa xalay kala baxeen ciidamadooda kuwii dowladda ee kol hore leysku milay,waxaana arintan lagu sheegay mid qeyb ka ah qorshayaal uu doonayo inuu gooni isugu taago.
Warar muhiim ah oo ay heleyso Dalkanews.com ayaa sheegaya in Mr Mocow uu qorsheynayo inuu safar ku tago Degmada Matabaan ee gobolka hiiraan,halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada Ahlusuna wal-jameeca oo uu kulamo dhowr ah kula soo qaatay gobolka Galgaduud intii safarka xagga dhulka ah ku soo jirey.
Kadib markii uu dhowaan safar dhulka uu ku soo maray Gobolada Dhexe ayuu C/raxmaan Mocow kulamo hoose la yeeshay saraakiisha Ahlusuna, waxaana kulamadaas leysku dhaafsaday fikrado ku saabsan arrimo quseeya gobolka Hiiraan.
Ma cada tallaabooyinka rasmiga ee u qorsheysan, hase ahaatee Mocow ayaa wada dadaalo isaga u gaar ah oo uu ku doonayo in maamul goboleed ka hirgeliyo Hiiraan,kaas oo qaban qaabadiisa wadaan ragg qurba joog reer Hiiraan ah, tallaabadaasi oo sida aanu warar hoose ku helnay uu doonayo inuu kala kaashado Culimaa.udiinta Ahlusuna Waljamaaca.
Xigasho: Dalkanews.com Muqdisho
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.