What you may have missed

Monday, August 17, 2009

Sucaad xaaji oo gaarty Kanaday

Waa Gabadhii reer Kanada ahayd ee lagu Xiray Kenya oo hadda gaartay Canada. Toronto Star Newspaper. Video-gan Daawo ama aqriso sheekada:
Sucaad Haji Mohamud waa Hooyo 31 jir ah heesatana Dhalasho dalka Canada balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia oo ku dhawaad muddo sadax Bilood ku xanibneed dalka Kenya ayaa ugu danbeyn dib u heshay xoriyad buuxa baarintaan dheer oo lagu saameeyay kadib.



Sucaad Haji Mohamud waa Hooyo 31 jir ah heesatana Dhalasho dalka Canada balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia oo ku dhawaad muddo sadax Bilood ku xanibneed dalka Kenya ayaa ugu danbeyn dib u heshay xoriyad buuxa baarintaan dheer oo lagu saameeyay kadib.

Sucaad Haji Mohamud ayaa Kenya timid April 30, 2009. si ay Hooyadeed oo Kenya ku nool u soo booqato.

May 21, 2009 oo aheed xilliga ay Su’aad Haji dib ugu laaban laheyd dalka Canada ayay Police-ka Waaxda Socdaalka ee Dalka Kenya ku xireen Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyata kadib markii looga shakiyay in Su’aad ay isticmaaleyso Aqoonsi ama passport aysan iyadu laheyn. Waaxda socdaalka ayaa passport-ka Su’aad ku tilmaantay in aysan iyadu laheen.

Mudo afar maalmood ah ayay Saraakiisa Waaxda Socdaalka dalka Kenya Su’ad Haji ku hayeen xabsi ku yaal garoonka Diyaaradaha Jomo Kenya ee Magaalada Nairobi kahor intaan loo gudbin Xabsi Dumarka loogu tala galay oo ku yaal deegaanka Langata una dhow Garoonka Wilson Airport.

Su’ad Haji oo ah Hooyo heesata hal wiil oo ay aabihiis kala tageen ayay Saraakiisha socdaalka dalka Canada arrinteeda Baarintaan dheer ku sameeyay balse ugu danbeentii ogaaday in ay tahay Canadian kadib markii Tijaabo DNA ah laga qaaday isla markaana la xaqiijiyay in ay tahay Hooyada Wiilka.

“ugu danbeentii Su’ad Haji waxaa la siin doonaa Warqado Aqoonsi oo u sahlaya in ay dalka Kenya kaga soo bixi karto kuna soo gali karto dalka Canada”, Ayuu yiri Emma Welford oo ah Adhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibada ee dalka Canada.

*Raoul Boulakia* oo ah garyaqaan u dooda dadka Qaxootiga una dhashay dalka Canada ayaa dhaxda u xirtay sidii dib loogu soo celin lahaa Canada Su’ad Haji oo ugu danbeentii danbi lagu waayay, sidoo kalle Jaaliyada Somaliyeed ee dalka Canada ayaan u kala harin sidii ay dib xoriyadeeda ugu heli laheed Su’ad Haji Mohamud.

Mahad Yusuf oo ka mid ah Mas’uuliyiinta urur lagu magacaabo Mideynta Bulshada ayaa yiri “Qof walba wuu la socda waxa ku dhacay Su’ad” isagoo intaas ku daray in Dowladda Kenya ay caadeeysatay in ay xirto ama faquuq ku sameeysay dad badan oo Somali ah oo dalka Kenya safar ku aaday.

Su’ad ayaa ugu danbeyntii dib u heshay Xoriyad buuxda iyadoo la filayo in ay dhawaan dalka Canada dib ugu laaban doonto.

Mahaan markii ugu horeeysay ee dad Somaliyeed lagu xiro wadanka Kenya. Iyadoo horay ay waaxda socdaalka falal noocan oo kalle ah ay Somalida kula kaca.

SomaliSwiss Calanka

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.