What you may have missed

Tuesday, August 4, 2009

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed oo La Kulmaya Hillary Clinton


Madaxweyne Sheekh Shariif oo faah faahin ka bixiyay kulanka uu la qaadanayo maalmaha soo socda Hillary Clinton(Daawo Sawirada).

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay kulanka ka dhacaya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ee dhexmaraya isaga iyo Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton.

Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kulanka xasaasiga ee Waqtiyada soo socda la filayo in ay ku yeeshaan dalka kanya dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya.



Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii waxaa uu sheegay in kulanka uu la yeelanayo xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton uu yahay mid muujinaya in Caalamka uu haatan u soo jeestay dalka Soomaaliya islamarkaana hor u dhac u ah talaabo ay ku hormartay dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in kulanka ay kaga wada hadli doonaan labada dowladood Arimaha siyaasadda Amaanka iyo xariirka labada dal taasoo uu sheegay in ay tahay fursad shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka faa’iideystaan.



Dhanka madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la weydiiyay in uu ka warhayo dhalinyaro Soomaali ah oo dalka Australia lagu qabtay xili la sheegay in ay doonayeen in ay weeraro is miidaamin ah ka fuliyaan saldhigyo ciidamada dalkaasi ay ku leeyihiin Caasimadda dalka Australia.

Waxaa uu wax laga xumaado u tilmaamay Madaxweyne Shariif in dhalinyaro dalkooda rabshado uga cararay ay dalal kale rabshado ka geystaan taasoo uu sheegay in ay tahay waxyaabo aad looga caroodo.


Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhalinyaro kale oo dalal kale wax ku soo bartay ay haatan rabshado ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay ka bar bar dagaalamayaan Xoogaga hubaysan ee ka soo jorjeeda dowladda.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa uu ka hadlay halkii ay ku dambeeyeen Labadii sarkaal ee u dhalatay dalka Faransiiska ee dhawaan lagu afduubtay gudaha Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay madaxweynuhu in dowladda KMG ee Soomaaliya ay ka warheyso halka ragaasi lagu heysto iyo xaaladooda balse aysan aheyn arin la muujinayo.



Xigasho: Shabelle.net
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.