What you may have missed

Sunday, August 23, 2009

Dowladda oo Mucaaradka Ka Codsatay Xabad Joojin Ramadaanka Dartiis

Madaxweynaha soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu baaqay kooxaha mucaaradka in fadliga bisha barakeysan darteed xabad joojin ay sameeyaan si dadka loogu naseexeeyo faa'idada iyo cibaadada bishan.



Isagoo la hadlayay idaacada BBC-da ayaa waxaa uu hambalyo ku aadan bisha ramadaan u diray umada soomaaliya, waxaana uu sheegay in aanu xalka ku jiro dagaal,waxaana umada soomaaliyed uu sheegay %100 tahay muslim, dagaaladana ay yihiin kuwo aan natiijo lagu gaareyn.

Madaxweynaha oo hadaladiisa ka muuqday mid dabacsan ayaa waxaa uu ujeediyay kooxaha dowladdiisa ka soo horjeeda inay ku dadaalaan nabada iyo midnimada shacabka, maadaama dhibaato fara badan la soo mara.

"Waxaan ku dhiira gelineynaa kooxaha naga soo horjeeda inay ku dadaalaan nabada, midnimada xabadana joojiyaan, walaalahooda muslimiinta ugu gurmadaan"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli xarakatu Al-Shabab iyo Xizbul Islaam ku hanjabeen inay dagaalada sii laba jibaarayaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.