What you may have missed

Tuesday, August 18, 2009

Cumar C/rashiid oo Puntland Aaday

Wasiirka koobaad ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo hoggaaminayay wafdi isugu jiray Xubno ka kala tirsan Golayaasha Dowladda ayaa maanta ka ambabaxay garoonka dayuuradaha ee magaaladan caasimadda ah ee Muqdisho.


Wafdigaas oo ku sii jeeday Degaanno ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland,socodkan R/wasaare Sharmaarke uu ugu kicitimay Puntalan ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu ku gaaro Gobollaadaasi tan iyo markii R/wasaaraha loo magacaabay xilkaasi, waxaaney sheegayaan wararka laga helaayo xafiiska R/wasaaraha in ujeedada uu halakaasi ugaaray ay tahay sidii uu mas’uuliyiinta maamulkaas ugala soo hadli lahaa xaaladaha Amni xumo ee kasii kordheysay beryihii dambeeyay qaar ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee uu maamulkaas ka koobanyahay iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Dowladda FKMG ah.

Sidoo kale waxyaabaha uu R/wasaare Sharmaarke kala hadlidoono maamulkaas ayaa waxaa ka mid ah Arrinta ku saabsanBurcadda badaha iyo sida ugu habboon ee ay Federaalku uga gacansiinkarto ladagaallanka uu hadaba ku jiro maamulka Pumtland

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo safarka R/wasaaraha ayaa waxay intaasi sii raacinayaan inwafdigu uu ku hormaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug Halkaasoo la soo werinayo in si weyn loogu soo dhaweeyay islamarahaantaana uu ka billaabay wadahadalloo uu halkaasi kula leeyahay qaar katirsan Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland oo hore iyagu halkaasi u yimid xaaladda dilikii Wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland iyo dhiiladii kale kadambeysay ee lagu laayay culimadii Reer Pakistaan, waxaana la filayaaa in R/wasaaraha iyo wafdigiisu ay u sii gudidoonaan Dhankaa iyo xarunta maamul Goboleedka Puntland ee Garawe.

Somchat.com

Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.