What you may have missed

Tuesday, August 25, 2009

Baarlamaanka Dowladda KMG ah oo loo fasaxay Ramadaanka


Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyay In Xubnaha baarlamanka KMG ah ay galeen Fasax . Gudoomiyaha Golaha Shacabka KMG ah ee Somaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maantay kulaha hadlay saxaafadda Xafiiskiisa magaaladan Muqdisho ayaa Sheegay in Mudanayaasha baarlamanku aya galayaan fasax gaaban oo soconaya Inta lagu gudo jiro Bishan barakeysan ee Ramadaan iyo Billowga bisha xigta ee Shawaal, isagoo intaasina ku sii daray in fasaxani uu yahay mid lagu weyneynayo Ramadaanka isla markaana xildhibaannada lagu siinayo waqti ay ku cibaadeystaan inta lagu gudo jiro Ramadaanka iyo Maalmaha ciidda ee ka dambeeya.





Sheekh Aadan Madoobe oo intii uu kugudo jiray lahadlka warfidiyeennada la weydiiyay waxa ay kala socdaan wararka sheegaya in ciidamada Dowladda Ethiopia ay soo galeen gugaha dalka gaar ahaanna ay joogaan degaanno ka mid ah Gobolka Hiiraan,ayaa sheegay inaaney la socon wararkaasi iyo wax dhaqdhaqaaq ciidan ah oo ay Ethiopia ka waddo gudaha dalka waxaanu sheegay iney yihiin keliya wararkaasi kuwo ay ka maqlaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Sidoo kale Afhayeenka baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe Waxaa uu ka hadlay hadal uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir xilli uu Shir Saxaafadda kula lahaa Xaruna Ururka Xisbul Islaam ee magaalada Muqdisho kaasoo ku aaddanaa in dagaalka lasii xoojiyo si ay dagaalyahankoodu uga faaideystaan Fadliga bisha Ranadaan waa sida uu warka u dhigaye,ayaa waxaa uu ka yiri Sheekh Aadan madoobe,inaan dagaal xal lagu gaareynin oo Dowladda Somaliyana ay weli quud dareyneyso in lawada hadlo oo wixii qilaaf ah ee jira lagu dhammeeyo miiska dushiisa si aan shacabka dhibaateysan loogu sii darin dagaallo hor leh xilli lagu jiro bishii cibaadada.


Somchat.com

Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.