What you may have missed

Thursday, July 2, 2009

Qaahira oo Laga Dabaaldegay Munaasabadda 1-Da Luulyo 2009ka

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Jooga Qaahira ayaa soo Qaban qaabiyay munaaasabad aad u xiiso badan oo lagu xisayo maalinii dalka Soomaaliya qaadatay xoriyadda. C/lahi xasan Maxamuud oo ah daljiraha Soomaaliya u fadhiya Masar ayaa ka soo qayb galay xafladaas oo qudbad ka jeediyay. Halkaan ka Daawo Sida Soomaalida Qaahira ugu Dabaal Dageen Munaasabadda 1-da Luuliyo. Safiirkaas ayaa xafladaas ka sheegay in la taageero dowladda KMG ah.




3 comments:

  1. marka hore maadama aan nahay dad islaan ah waxa igu waajib ah inaan idnkusalaamo salaanta dunida ugu sharaf badan asc wrb
    salan kadib waxa qiimo iyo qadarin mudan umada soomaliyeed eekukala nool dunida dacaladeeda
    waan aragnaa maanta wadankeeni dhibatada kataagan hadana maanan ilaawin xiligii aan iska tuurnay heeryadii gumaysiga taas aya ah mid aad loogu farxo .aniga ahan waxan aaminsanahay inay soomali isdiidanayn ee waxay la dahay dad isku keeno aniga waxan kunoolahay dalka india arday jamacaded ah waxan xalay qabanay xaflad aan ku maamuseyno ama kuxusayno 1luulyo run ahantii dhamaan dadki kasoo qaybgalay waxad mooda in midba midka kale cuskanayay isagoo indhihiisa ilmada qoynayso .halkaas waxa iiga soo baxay inaan isdiidanayn .marka xalku waxuu noqonaaya inuu ilaahay wadada dhabta ah nagu rido iskana dayno qurunkan aan caadaysanay inaan marwalba kasheekayno waayo soomali aya hore ugu maah maahday qabiil qaran manoqdo,,
    cajiib waan fahansanahaye maxan iskaka dayn la nahay?

    ReplyDelete
  2. marka xiga waxan hambalyo u dirayaa dhaman dhalintii iskusoo duba riday 1luulyo ee kuqabatay dalka masar iyo safiirka u fdhiya soomaaliya masar
    mudane cabdulaahi xasan maxamuud oo run ahanti hadalkiisi aad ula dhacay

    ReplyDelete
  3. XASUUS AAD U FOG IYO CALOOL XUMO AYUU IGU BEEREY MARKAAN DAAWADEY MA MALEYN KARTID SIDA AAN U ILMEEYEY

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.