What you may have missed

Saturday, July 11, 2009

Nin ahaa 650 Pound oo Iska Dhigay 220 Pound 26 bilood Gudahood

Wuxuu ahaa nin aad u cayilan ahna qof aanan heysan wax saaxiibo ah isagoo is dhiibay iskana samray. Ninkan la yiraah David Smith ayaa xataa ku fakaray inuu is dilo. Wuxuu ku fekeray inuu qaato bac wayn. Markuu gaaro meel fagaara ah axadna joogin oo ku taal Arizona oo cidla ah buu kadibna gasoline ka buuxinaa, dhexgelaa, kadibna ka dhex daaraa taraq si uu u gubto asoo nool. Taasi waa sida uu ugu tashtay inuu isku qaarijiyo maadaama naftuba ku cuslaatay buurnaansho farakabax ah awgeed, sidaadna wuxuu aaminsanaa inuu u qalmo.

David ayaa fakarkiisu ahaa in dabka uu isku shidi lahaa uu gubi lahaa gabi ahaantii jirkiisa dhan 650 pound. Sidaa darteedna, cid mardanbe heli leheed jir ay ku qososho maba jiri laheyn.

Waxaa mustaxiil la mid ah in Davidkii hore ee sidaa uga jajabneyd yahay ninka hadda laga wareystay journal-ka Today ee kasoo baxa Mareykanka. Davidka cusub oo haatan culeyskiisa la egyahay 220 pound, ayaa ah mid furfuran bashaashnimo aan caadi ahayna ka muuqato. Waxaa sii dheer, David wuxuu noqda certified personal trainer - nin dadka ka caawiya sida jirka loo dhiso - kaasoo haatan lahayn jir loo quuro in lagubo.

Mar loo daaray film ka dhex muuqdo sidii hore ee uu u ekaa, ayaa David yiri, "Qofkaasi waa qofkale." David ayaaba is xasuusan waayay.

Sheekada cajiibka ah ee sida ninkaan iskaga dejiyay 400 oo pound muddo ah 26 bilood ayaa ah mid barnaamij TLC loo duubay ku saabsantahay. Barnaamijkan ayaa laga soo dayn doonaa channelka TLC (The Learning Channal) taariikhdu markay tahay 12 July 2009. Barnaamijka David looga hadlayo baa loogu magac daray 'The 650-pound Virgin" kaasoo kaamirada lala raacay ka bilaabato markuu isdili rabay ee uu saaxiibo la'aan ahaa ilaa marka uu noqonayo macalin tababara dadka iska dejinaya hilibka dheeraadka ah.

Isbedelka weyn ee ku dhacday nolosha David Smith ayaa bilaabatay 2003-dii markii uu go'aansan rabay inuu naftiisa jaro ciil weyn awgeed. Rajo yar ayaa weli ku jirtay oo islahaa maa sidan isku dhaantid. Waa markaas markuu go'aansaday inuu iska dejiyo hilibkan faraha badan ee nacfi la'aanta iska dul saaran.

Marbaa David loola yimid xal ah inuu qaliin galo oo waxa loo yaqaan bypass surgery loo geeyo isbitaalkana. Balse waa kasoo horjeestay taladaas isagoo ku jawaabay taasi waa qatar weyn oo naftiisa aanu u ogoleyn.

Jidka uu markaa cagtiisii wayneed saaray ayaa ah inuu cuno cunto caafimaad leh uuna aalamiiteeyo. Si uusan uga xishoon halganka uu geliyo - waa hadii jidadka lagu arko si aan loo foorjeen - ayuu David la xiriiray TLC si ay uga diyaariyaan barnaamij TV-ga laga soo daayo kana bixiya xishoodka.

"Waxaan go'aansaday in sida ugu haboon oo aan uga hortegi karo xishoodka iyo cabsida aan ka baqayay foorjada iyo cayda ay tahay inaan iyada dhanba fool ka fool ula dagaalo. Sidaa darteed, waxaan isi soo dhigay banaanka masraxa anigoo TV-ga soo hor istaagay", ayuu yiri David markuu u diray waraaq Channalka TLC.

Ninka David u ogolaaday in laga duubo Barnaamij safarkaas isbedelka noloshiisa ayaa yiri, "waxaan ka indha xiran waayay sida qof bani aadama kula ekaan karo 650 pound."

Usoo laabo beri sheekada oo sii socota

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.