Si loo tixo kow ilaa labaatan magaalo sida u kala qaalisan yihiin, dhanka nolosha, waxaa la fiiriyay in ka badan 200 oo magaalo ee ku yaala lix qaarad. Magaalooyinkaas ayaa la is barbar dhigay sicirrada 200 oo sheey oo ay ka mid yihiin ijaarka guriga, qiimaha cuntada, dharka, basraaca, alaabta guriga iyo waxyaabaha maaweelada sida sicirka shaneemada iwm. Ka dib markii la aruuriyay dhaatadaas ayaa loo isticmaalay si loo kala arko magaalada ugu qaalisan iyo sida kuwa kala u kala dhigan yihiin.
Isbedelka ah kor ukaca ama hoos udhaca qabsata qiimaha lacagaha aduunka marka loo fiiriyo doolarka mareykanka ayaa sababay liiska magaalooyinka aduunka ugu qaalisan inuu ka bedelnaado kii sanadkii lasoo dhaafay ee 2008. Tusaale ahaan, magaalada london sanadkii hore aad ayay uqaalisaneed in lagu dhex noolaada maadaama baawnka uu u dhigmay $2 oo U.S ah. Maantase baawnku waxuu marayaa $1.65 halkii bawn taasoo keeneysa in sicirada alaabaha London dhexdeeda laga iibsado ay raqiisoobaan, marka la fiiriyo qiimaha ay u dhegmaan hadii la isticmaalayo doolarka Mareykanka.
Dhaatada ayaa ah mid ay ku howl galaan shirkadaha aduunka marka ay bixiyaan qarashka shaqaalahoodu ku nool yahay magaalooyinka aduunka.
Shirkada aruurisa dhaatada lagu tixo sida magaalooyinka ukala qaalisan yihiin oo magaceedu yahay Mercer ahna mid la tashi u shaqeysa (consultant firm) ayaa markii ugu horeysay ay soo saarto liiska magaalooyinka aduunka sida ay u kala qaalisan yihiin ay aheyd 1994. Mercer ayaa sheegtay in Tokyo ay weligeed ka mid ahayd kuwa ugu koreeya liiskooda taasoo ay ka dambeyso qiimaha alaabaha caalamiga ah ee magaaladaas lagu dhex iibiyo. Waxaa balse ay Mercer la yaabtay in Moscow ay ahayd tan koowaad ee ugu qaalisan aduunka hase yeeshe sanadkaan u dhacday numberka seddaxaad. Mercer ayaa ku qiyaastay in qiimaha lacagta ruushka ee loo yaqaan Ruble hoos u dhacday sidaa darteedna la siibtay qiimaha maalin nololeedka Moscow.
Sida ay u egtahay, magaalooyinka badankood hadii lacagta wadanka ay ku yaalaan raqiisto, wax yaabaha lagu dhex iibiyo ayaa raqiisa. Lacagaha waxaa la barbar dhigaa qiimaha doolarka mareykanka si loo ogaada inay raqiis tahay iyo inkale.
Liiska shanta ugu koreysa
1. Tokyo, Japan
2. Osaka, Japan
3. Moscow, Russia
4. Geneva, Switzerland
5. Hong Kong
Ka aqriso maqaalka faahfaahinaya arintaan realestate.yahoo.com World's Most Expensive Cities to Live
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.