What you may have missed

Friday, July 3, 2009

KANA SIIB KANA SAAR - 1 - July 1960


KANA SIIB KANA SAAR. Gabaygan waxaa tiriyey Cabdillaahi Suldaan Timacade. Erayada oo Abwaanku ku Gobyayo ayaa ah:

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
abo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Erayada oo Dhan Halkaan Ka Aqriso oo Dhegeeyso.

Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro




Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax

Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow

Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
Saahidiinta lslaamka e

Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine

Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiibla ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow

Kii sadqeeyey qabaa'ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamowAn siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo

Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar







No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.