Inkastoo ciidamda amaanka dowladda KMG ay hubkaas dhex ku qabteen, ma cadda in kani yahay kii ugu horeeyay ee qaabkan hubka dowladda loogu dhiibo dagaalyahannada ururka Alshabaab iyo Xisbul Islaam. Sidoo kale, waxaan la ogeyn kuwa ay yihiin saraakiishaas bixiya hubka dowladda. Hase yeeshee.
Hubka lagu wareejinayo Alshabaab iyo Xisbul Islam ayaa lagu tuhmayaa inuu yahay kii Mareykanku dhowaan ugu deeqay Dowladda KMG ah, kaasoo ulajeedadii loogu keenay ahayd in ay iska difaacaan mucaaradka. Hase yeeshee, waxaa layaab leh in dadkii isku difaaci lahaa ayba iyagu isku hubeynayaan kuwa ay iska difaaci lahaayeen.
Midda kale, saraakiisha hubka sida xatooyada ku bixisa waxaa raacsan in taliyihii hore ee ciidamada AMISOM isna bixin jiray hub kuna wareejin jiray kooxaha mucaaradka. Waa arin aan marnaba la rumeysan karin, hase yeeshee u eg sababta loo bedelay Francis Okello.
Waxaa taas sii dheer in rasaasta farabadan ee soo gaartay dowladda iyagana suuqyada Muqdisho askartu ku iibsato. Maanta war lagu soo qoray hiiraan.com ayaa sheegaya in Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Farxaan Casaanyo sheegay in Haween Qaadka ka ganacsada lagu helay iyagoo rasaas ka iibsanaya ciidamada Dowladda, kaddibna siinaya Qaad,
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.