What you may have missed

Wednesday, May 13, 2009

Sh. Shariif oo Ansixiyey Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka: Shabelle.NET


Madaxwenaha dowlada kmg Soomaaliya sheikh Shariif ayaa maanta Ansxiyay ku dhaqanka Shareecada islaamka kadib Markii uu Gudoomiyaha baarlamaanka u soo gudbayay Mooshinkaasi. Sii Aqri - Sh. Shariif oo Ansixiyey Shareecada
Madaxweynaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada kadib markii gudoomiyaha baarlamaanku uu u soo gudbiyay qodobkii ku dhaqanka shareecada islaamka ee barlamaanku ansixyay ayaa soo saaray go’aan ka kooban 4-qodob oo la xiriira dhaqan galinta Sharcigaasi.

Qodobada madaxweynuhu soo saaray oo uu saxaafada u aqriyay madaxa Xafiiska madaxweynaha C/kariin Xuseen ayaa waxaa ka mid ah, in dib u habeeyn lagu sameeyo Sharuucda ama qawaaniinta dalka lagana saaro wixii ka hor imaanya shareecada islaamka.

Madaxweyne sheikh Shariif oo xiliga uu hadlayay ay dhincyadiisa fadhiyeen gudoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa saxiixay go’aankii baarlamaanka iyo xukuumadda ay ku ansixyeen in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka,waxaana uu sheegay in uu noqon doono mid sharci ah oo dalka ka hir gala.

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha dowlada kmg ee Soomaaliya sheikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay dagaalada xiligani socda ayaa sheegay in aysan diin ku saleysneeyn waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad magac diimeed sheeganaya sida uu sheegay ay dagaalo ku baaqaan xiligani.

“Marka hore waxaa aad uga xumahay in dad sheeganaya Culumo in dagaal uu xalkooda noqdo,wixii heshiiska lagu wada ahaa ee laga shaqeynayay waxaa uu ahaa in dalkani nabadiisa la soo celiyo ,dadka Soomaaliyeedna fursad loo siiyo nidaamka ay rabaan in ay doortaan,waxaana muuqata in aan loo hogaansameyn amarada islaamka ee ah in dhiiga qofka muslimka ah laga fogaado qilaafka wixii qilaaf ah ee yimaadana loogu laabto kutaabka Illaah iyo Sunada Nabiga Muxamed SCW” ayuu yiri madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya sheikh Shariif Shiikh Axmed

Horay ayaa golaha Baarlamaanka iyo xukuumaduba waxaa ay siyaabo kala duwan ugu ansixiyeen in dalka lagu xukumo Diinta islaamka taasoo garabyo ka mid ah xoogaga mucaaradka ay sheegeen in aysan waxba ka hir gali doonin.

Shabelle News
Ku Laabo Bogga Hore -Somali News Blogs - Somali Blogs - Somali News Videos - Somchat.com

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.