What you may have missed

Thursday, May 7, 2009

Qoraaga caanka ah C/Qadir Oroma oo ka Jawaabay Maqaal Lagu soo Daabacay Dayniile.com


Aqoon-laaweyaasha sida xun wax-u-sheega ee haybaddii ka diley saxaafadda gocoshada aan u qabo waxba yaaney ila gudbine aan toos u abbaaro danta iyo ujeedada. Websiteka Dayniile 05/05/09 waxaa lagu faafiyey qoraal ciwaankiisu ahaa “Warqad furan oo ku socota beesha Cayr”. Marka la qiimeeyo nuxurka qoraalkaasi xambaarsan yahay waxaa lagu tilmaami karaa been-abuur aan sal & raad toona lahayn iyo aflagaado qaawan oo lagu weeraray guud ahaanba beesha Cayr gaar ahaan culimada aqoonta diimeed leh iyo shaqsiyaad haybad leh oo mudan in la ixtiraamo. Sii Aqri Jawaabtan

Burcad Saxaafadeed

Beryahaan qalabka warbaahinta caalamka waxaa ku badan hadalhaynta BURCAD BADEED loo nisbeeyo Somaaliya. Dhallinyarada lagu sheego Burcad Badeed, dhibaatada ay geystaan inta badan waxay gaartaa maraakiibta shisheeye ee sida sharcidarrada uga kalluumeysta iyo maraakiibta suntan halista ah ku daadiya xeebaha Somaaliya. Dhallinyaradaas maadaama ay afduubaan maraakiib cadow leeyahay waxay mudan yihiin in loo aqoonsado “ciidanka ilaalada & difaaca xeebaha”. Hadda kadib erayga Burcad Badeed waxaa habboon in lagu beddelo Burcad Saxaafadeed kuwaasoo mudan inkaar iyo eedeyn loo tebiyo, sababtoo ah qaar baa ku hawlan iska horkeenka bulshada iyo dhaleeceynta shaqsiyaad mudan ammaan.

1991 wixii ka dambeeyey sebenka fowdada iyo dowlad la’aanta qofba wuxuu jeclaa ayuu bililiqeystay. Bililiqada ugu weyn uguna foosha xun waxaa geystay koox isku magacawday SAXAAFADDA XORTA. Saxaafadda oo si xun loo adeegsado waxay ka daran tahay Suntan Nukliyeerka, saxaafada oo si gurracan loo isticmaalo waxay dhalisaa halaag weyn. Xusuuso xasuuqii 1994 ka dhacay Rwanda waxaa sababteeda lahaa Radio Mikolini oo faafiyey war been-abuur ah oo laysaga horkeenay qowmiyadaha Hutu & Tutsi. Hubkii Burcad Saxaafadeedu isugu dhiibtey shacabka Rwanda waxaa ku nafwaayey malaalyiin qof oo si naxariisdaran loo gumaaday.

Somaaliya oo aan sharci iyo nidaam ka jirin waxaa kasoo ifbaxay dhallinyaro sheeganeysa Saxafi Madaxbannaan oo siday doonaan wax-u-sheega (hadal tebin iyo qoraalba), si xun wax-u-sheege sixirow ka daran. Aqoon la’aantu waxay keentay aflagaado joogto ah iyo inaan haba yaraatee la xaqdhowrin nidaamka “Copy Right”. Sida qaalibka ah shaqsi mas’uuliyad sheeganaya ayaa shir jaraa’id qabta. Goobta shirka lagu qabto dadweynaha kasoo qeybgala laba-jibaar waxaa ka badan dhallinyarada ku adacooneysa inay yihiin saxafiyiin ee sidata qalabka warqabadka iyo maswirka (camera & nastero).

Wax kastoo xikmad la’aan loo badiyo oo xadka la dhaafiyo dabcan way qiime beelaan, waxayna ku dambeeyaan qaatumo xumo iyo khayr la’aan. Qof kastoo sheegta derajo been-abuur ah ama ka shaqeeya xirfad uusan wax aqoon ah u lahayn, sharciyan waa dembiile mudan in la ciqaabo. Qof aan waxba ka aqoon xirfadda caafimaadka hadduu dhaqtar sheegto oo bukaanka daawo qalad ah siiyo waa dembiile la mid ah gacan-ku-dhiigle si gardarro ah qof u diley.

Aqoon-laaweyaasha sida xun wax-u-sheega ee haybaddii ka diley saxaafadda gocoshada aan u qabo waxba yaaney ila gudbine aan toos u abbaaro danta iyo ujeedada. Websiteka Dayniile 05/05/09 waxaa lagu faafiyey qoraal ciwaankiisu ahaa “Warqad furan oo ku socota beesha Cayr”. Ref link : http://dayniile.com/May2009/5%20May%203.htm Marka la qiimeeyo nuxurka qoraalkaasi xambaarsan yahay waxaa lagu tilmaami karaa been-abuur aan sal & raad toona lahayn iyo aflagaado qaawan oo lagu weeraray guud ahaanba beesha Cayr gaar ahaan culimada aqoonta diimeed leh iyo shaqsiyaad haybad leh oo mudan in la ixtiraamo. Qoraalkan been-abuurka ah qofkii diyaariyey oo magaciisa qariyey wuxuu sheegtay (Xafiiska Saadaasha Nabadda, email: shakirali@hotmail.com) wuxuuna ku andacooday C/qaadir Oromo oo ka mid ah Qurba-joogta “diaspora” inuu qeyb ku leeyahay qoraalkan. In Cayr la dhaleeceeyo beryahaan waxay noqotay “fashion” laysugu faano, malaha ceebeynta Cayr waxaa laga helaa caafimaad iyo barwaaqo.

Qofka maqaalka qoray oo ku andacooday inuu yahay siyaasi u dhashay beesha Cayr oo wax ka abaabulay kana qeybgalay Shirkii Carta, waxaan ugu nasteexeynayaa inuu ka waantoobo guud ahaanba ceebeynta aadamiga gaar ahaan tolkiis. Rag waxaa ugu liita ninka wax ka sheega “xaaskisa & walaalki”. Gorgorka iyo dooradu waa laba shimbirood oo ka tirsan baalleyda haada, balse waxay is dheer yihiin garasho iyo karti oo gorgorku wuxuu isaga gooshaa shanta qaaradood oo badaha Atlantikada & Basifikada ayuu kalluunka ka jillaabtaa, dooraduna hoygeeda ma-dhaafto. Tix baa leh (Xuunshada buubtiyo tukuhu waa laba xagaa jooge… Xaableyda waa wada cunaan kalse xeeldheere). Dhacdooyinka la been-abuuray iyo qaladaadka ku jira qoraalka waxaa laga xusi karaa:

1. Shaqsiyan C/qaadir ahaan kooxaha loo yaqaan “diaspora” kama tirsani weligeyna Somaaliya kama qaxin oo deegaankeygu waa Xamar-Cadde iyo Xaafadda Buulo Xuubey. Teeda kale, guud ahaanba qoraalladii aan dadweynaha u soo bandhigay (buug & maqaalba) weligey wax eed iyo aflagaado ah uma tebin mana weerarin: waddaniyiinta, halgemeyaasha iyo culimada haybadda leh. Teknaloojiyada Casrig ah way fududahay in la sameysto (email address iyo magac beena) dabadeed war been-abuur ah lagu faafiyo. Way dhici kartaa in been laga sheego qof warmoog ah waxase loo baahan yahay in lasoo bandhigo caddeyn la cuskan karo oo leh (saxiix ama cod-duuban ama marqaati goobjoog ah) haddii kale qoraalku wuxuu noqonayaa kutirikuteen iyo been-abuur runta ka fog.

2. C/qaasim Salaad Xasan xilligii uu madaxweynaha ahaa, wanaagga laga dhaxlay oo taariikhdu xusi doonto waxaa ugu weyn wuxuu ahaa hoggaamiye nabadeed horjoogsaday nooc kastoo dagaal sokeeye ah, taasina waxay u soo jiiday, kooxihii dagaal doonka ahaa inay ku xantaan “Cabdi Miskiin”. C/qaasim hadda ka hore si toos ah iyo si dadbanba ugama qeyb qaadan halaagii dagaallada sokeeye.


3. Xasan Daair Aweys oo qoraalku ku eedeeyey dagaal-ooge nabad-diid ah, taageereyaashiisu waxay aaminsan yihiin inuu yahay hoggaamiye dimeed u tafaxaytay hirgelinta shareecada Islaamka.

4. Waxaa lagu celceliyey erayga Wahaabiyada oo malaha loola jeedo culimada aqoonta leh ee wax kusoo baratay waddamada Carabta. Culimada Wahaabiyada oo ku mideysan diin toosan iyo dar-Alle waxaa ka soo horjeeda koox loo yaqaan “Qabuuro Tuug & Qaadwale” oo mabda’oodu yahay maqsuudinta Meles Zenawi. Sidaas awgeed culimada Wahaabiyada oo u geyfan in Somaaliya laga xoreeyo SHIRKIGA & QURAAFAADKA iyo Gaalada kusoo duushay dalka hooyo “bad & birriba” in wax laga sheego oo la ceebeeyo waa dembi weyn. Horraantii 2006 Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ku guuleystay inuu gobollada dhexe ka tirtiro: “gubista dhirta, Isbaarada & ruugista qaadka.” Ayaandarro kooxihii laga horjoogsaday xumaanta ayaa maanta dib isu abaabulay oo sheegtay “Ahlu sunno wal jameeca” ka shidaalqaata Adis Ababa.

5. Qoraalka jahowareersan waxaa ka mid ah in Cayr lagu dagaal geliyey oo lagu beerlaxawsaday, Tigreega Meles Zenawi iyo Maryacalasta Cabdullahi Yusuf inay u soo qalab qaateen dabargoynta beesha Cayr. Taariikhda ayey ku xusan tahay (Meles Zenawi & C/hi Yusuf) inay u soo tafaxayteen guud ahaanba xasuuqa Hawiye gaar ahaan beesha Cayr. Duulaankii Huwantu inuu sidaas ahaa waxaa caddeynaya: 24/04/2007 Meles Zenawi wuxuu warfidiyeenka u sheegay “hawlgallada milateri ee ciidankiisu ka fuliyeen Somaaliya inay ugu muhiimsan tahay burburinta beesha Cayr oo xoog ku haysata hantidii Somaaliya.” Markele 03/05/2007 Danjiraha Xabashida u fadhiya London Berhanu Kebede wargeyska Gurdian ee London kasoo baxa wuxuu ku qoray “weerarka ciidankeenu ku qaaday Somaaliya wuxuu ku wajahan yahay beesha Cayr.” Sidoo kale C/hi Yusuf oo Adis Ababa jooga Nofembar 2007 wareys uu siiyey TV-Urniversal wuxuu iftiimiyey hadafka Meles Zenawi oo wuxuu yiri “waxaan dagaal ku qaadeynaa beel xoog ku haysata hantidii ummadda ka dhexaysay.” C/hi Yusuf malaha wuxuu gocanayey dagaalladii 1900-1925 gobollada dhexe ku dhexmaray beelaha ee Carroole Maxamed ka gabyey, tixdiisii waxaa ka mid ahaa:

Cindi-xume Majeerteen is yiri Cayrka baabi’iye

Waa calacal timo yeelatiyo caado aan dhicine

Cayr iyo Majeerteen mar inay calaf wadaagaane

Caaqiibo inay wada dhigtaan waa camuud tiriye

Casha noolba dagaallada socdee caadka lagu laalay

Ciribteedu waxay tegi tan iyo cirif adduunyaade

Cayr uma hoggaansamo ninkey ciifo diriraane

Cadow maagay boqorkaan ciseyn ma citiraafaane

Cad-quured ma qaataan sidaa cidaha qaarkoode

Cawo iyo nasiib baa jiriyoo shay u caadaahe

Caddaan iyo madow lama cubtamo gole colaadeede.

Saxaafadda Somaaliya oo aan lahayn xeer xakameeya waxa ka dhashay Website-yo waashay oo war-xumaato-shiil iyo walaahow kaliya faafiyo. Haddaba maamulka Websiteka Dayniile marka hore waxaan ku boorinayaa inuu iska hubiyo tayada iyo xaqiiqda wararka loo soo bandhigo bulshada, xataa hadday run yihiin waa inaan marnaba la faafin war dhalin kara caadifad qabiil iyo iska horkeen bulsho. Mar labaad waxaan si xushmad leh uga codsanayaa in raalligelin laga bixiyo qoraalkan aan naqdinayo ee soo baxay 05/05/09. Wa-Billaahi Towfiiq

C/qaadir Cismaan “Aroma”

Shirwac55@hotmail.com


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.