What you may have missed

Saturday, May 9, 2009

Video ah K'Naan oo Qaadaya America. Hees ku jirta Albumka Troubadour ee Cusub 2009


Wiilka caanka ah ee heesaaga ah, K'Naan oo reer wardheegley ahaa, ayaa heestan cusub ee ku jirta Album-kiisa cusub u bixiyey Mareykan (America). Sida caadi ah, qofka heesaaga ah waxa uu ka shaqaystaa xafladdaha uu qabto taaso dhalin yarada soo gala bixiyaan lacagta ticket ka. K'naan waxa uu ku jiraa safar uu ku maro magaalooyinka mareykanka iyo yurub asagoo heesaha Albumkiisa cusub ka qaada xaflado lacag lagu soo galo. Heesihiisa badankood waa kuwa nuuca raabka ah, balse waxa isaga si gaar ah loogu tilmaama heesaa ku tiiriya heesihiisa sida uu ugu soo koray Soomaaliya, dhibaatooyinka heysta dalkeena iyo dadkeena Soomaliyeed. Taas waxaa asal u ah in dhamaan heesihiisa ay ka hadlaan xaalada Soomaaliya. Mid ku jirta Albumkiisa Troubdour ayaa ka hadleysa burcad badeedka. Balse Heestaan waa mid uu Soomaali ku heesayo, qaybna ah af Ingiriis. Markey bilaabato durba waxaad arkee adigoo horey u yaqaana erayada heesta. Halkaan ka Daawo K'Naan's America Song



No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.