What you may have missed

Sunday, May 10, 2009

Dagaal Dhexmaray Koox Xisbul-Islaam iyo Koox Dowladda ah oo ka dhacay Saldhiga Booliska Yaaqshiid


Dagaal Xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamo fariisin ku leh Saldhigga Booliska Yaaqshiid oo ka tirsan Xisbul Islaam oo uu hogaamiyo Nin lagu magacaabo Axmed Laashin iyo Ciidamo kale oo fariisin ku leh meel aan u dheereyn Saldhigga Booliska Yaaqshiid oo uu hogaamiyo Nin Isna lagu magacaabo Cabdiullaahi Macalin Mukhtaar oo ka mid ahaa Qurbo joogtii ka laabatay Dalka Norway, kuwaasi oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaalkan oo ay xiisaddiisa weli kacsan tahay ahna mid horayba u dhex maray Labada Beelood ee ay ka kala dhasheen Labadaasi Nin ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay shan ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid kale ah oo iyagu ka dhaw xaafadahaasi .

Axmed Shiikh Muxyaddiin (Axmed Laashin) oo isagu lagu tilmaamo inuu Maal geliyo Xaaji Abuukar Cumar Caddaan kana soo jeeda Beesha Warsangeli Abgaal ayaa sheegay in iyagoo saldhiggooda ku sugan ay weerar ku soo qaadeen ciidamo uu hoggaaminayay Cabdullaahi Macalin Mukhtaar oo iyagu u diiwaan gashan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya

Ciidamada Axmed Laashim ayaa iyagu waxa ay si weyn u taageeraan Xasan Daahir Aways iyagoo halkaasi u jooga Xizbul Islaam sida uu hirayba u sheegtay Axmed Laashim.

Dhanka kale Cabdullaahi Macalin Mukhtaar oo isaguna ka soo jeedo Beesha Agoonyar ee Harti Abgaal ayaan wax war ah dhinaciisa ka soo bixin iyadoo la sheegayo labada Ninba aysan wax diinta xageeda ah aqoon u laheyn balse ku shaqeynayaan Fekrado dad kale oo siyaasad guracan wata.


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.