What you may have missed

Saturday, April 18, 2009

Xiisadda u dhaxaysa Alshabab iyo Maxkamadaha oo faraha ka sii baxaysa.


Waxaa si aan hore loo arag isu abaabulaya Saraakiisha iyo Ciidamada golaha Maxaakiimta kuwooda taabacsan dowladda Midnimada Qaran, waxaana Madaxda Maxkamadaha ka soo baxaya caga-ugleyn iyo dhaar ay ku sheegayaan iney jarjarayaan silsiladaha Alshabab. colaadda labada kooxood ayaa si weyn u soo if-baxday kadib dilalkii loo geystey rag ka tirsanaa Maxmadaha iyo qaar miino loo dhigay, sida sheekh C/qadir. C/raxiin Ciise Caddow oo Colaaddu heerka ay gaartey faah faahinaya Halkaan Ka Daawo




3 comments:

  1. alle ha garab galyo sariikiisha maxakamadha kuwa qeyrka wadaba alshabaab wadadan xun ay ku socto alle ha ka soo hanuuniyo
    hadii gacanteena mujahidiinta alaaha ku salido

    ReplyDelete
  2. labo mujaahidiin oo walaalo in ay iska hor imadaan aad ayan uga xumahay hadii an ahay dhailanyarada somoliyeed marka wax waliba wada hadal ha lagu dhameeyoo dadkiina dagaal way ka daaleen alle hlaga cabsado umadana dilka ha laga daayo ciidii doonta ha ka danbeyseeeeeeee

    ReplyDelete
  3. ASC WR WB. Marka hore aad ayaan uga xumahay dilka loo geystay marxuum sharif kariye Allaah ha u naxariisto. C/raxiin ciise waxaan dhihi lahaa waa laga fiican yahay sida uu hadalka u dhigay mana aheyn inuu ku deg dego eedeynta dilka cida geystay cadeyn la'aan waayo ilaa hada wax cad oo cadeyn ah masheegin marka dhiiga walaalaha mujahidiinta yaan la isku baneyn Allaah halaga cabsado ayaan dhihi lahaa, tilaabo intaan laqaadina hubsiimo badan hala sameeyo, ilaahow cida fidnada wada naga qabo Aamiin Aamiin Aamiin.

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.