What you may have missed

Friday, March 27, 2009

Arday Soo Bandhigtay Hidaheena

Xaflad sanadle ah oo ay qabato Jaamacadda Mysore e dalka India gaar ahaan gobalka Karnataka.Xafladdaasi oo loo qabto ardayda ajaanibta ah ee jaamacaddaasi dhigata,xafladdani ay kasoo qeyb galeen ku dhowad 5000 oo isugu jira arday iyo madaxda jaamacadda.

Taasoo ay ku soo bandhigaan dhaqamadooda kala duwan.Jaamacaddani oo lagu tirsho jaamacdaha ugu faca weyn ee dalka India taasoo ay hoos tegaan in ka badan 80 college.

Jaamacaddani ardayda dhigata waxaa kamid ah arday soomaaliyeed oo lagu qiyaaso cadakooda ku dhowaad 100 arday kuwaasoo habeenkii xalay ee taariikhdu ku beegneyd 25ta bisha maarso wacdaro ka muujiyey xaflad aheyd (cultural programe) bandhig dhaqameed,kaasi oo hiddaha iyo dhaqankooda ay ku soo bandhigeen in ka badan 52 dal.

Ardaydaasi oo kakala yimid Afrika,Asia,EUrope iyo America.Kuwaasi oo mid kasta uu soo bandhigay dhaqankiisa iyo waxyaabaha uu ku faano.

Inkastoo soomaalida aysan laheyn dowlad shaqeysa hadana waxey meeshaasi ka muujiyeen hidaha iyo dhaqanka soomaaliya kaasoo ay jecleysteen kasoo qeybgalayaashii xafladdaasi.Waxyaabaha ay soomaalida soo bandhigeen waxaa kamid ahaa sida DHAANTADA,WILISIQO iyo IWM.Waxyaabaha dadku la dhaceen waxaa kamid ahaa qaabka ay u labisnaayeen soomaalida kaasi oo dad badan oo soomaali ah oo daawanayey soo xasuusiyey dowladnimo,wadaninimo. Dhalin yartaasi oo ku labisneyd Baftadii cadeyd, Suunkii weynaa, kobahii jambalka ahaa, waxaase intaa dheeraa sida ay jaanta iskula heleen iyo dheesha ay soo bandhigen.

Gabagabadii xafladdaasi waxaa ka hadlay madaxa qeybta ajaanibta ee jaamacadda mysore Pro.Indira, vice chencellorka jaamacaddaas,sidoo kale waxaa ka hadlay guddoomiyaha ardayda ajanibta Fiaz Abdalla iyo guddoomiyaha ardayda soomaaliyeed Maki Xasan Axmed(Amiin),kuwaasi oo ku dheeraaday xafladdasi qiimaha ay ugu fadhiso ardayda ajaanibta ah.














BY: Xassan c/salaam

Date: Mar 27, 2009 3:42 PM
Subject: hi
To: hassancc07@gmail.com
fadlan likiyee www.somchat.com
+919731358330



No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.