What you may have missed

Monday, March 23, 2009

Qalfoofka Dad ay dileen Ciidamadii Itoobiya La soo Bandhigay


Qalfoofka Shan Ruux oo ay dileen Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay Xeradii Asluubta

Axad, March 22, 2009(HOL): Qalfoofka Shan Ruux oo ay dileen Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay Xeradii Asluubta.

Ehellada Shantaas ruux ee ay dileen Ciidamadii Itoobiyaanka ayaa waxay sheegeen in marxuumiintaas oo nin dhaawac ah u waday Isbitaallada Muqdisho ay si bareer ah u toogteen Ciidamadii Itoobiyaanka.

“Waxaa la dilay Dadkan oo qaraabo isu dhow ah 28-kii Bishii Shacbaan ee aan ka soo gudubnay, waxayna ahaayeen dad aan waxba galabsan oo dhaawac waday, kadibna Ciidamadii Itoobiyaanka ayaa qabtay, weyna dileen”ayuu yiri mid ka mid ah Ehellada dadkaas la dilay.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa isna hadal ka jeediyay halkii Qalfoofka dadkaas la dilay lagu soo bandhigay oo ahayd Xeradii Asluubta wuxuuna sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay dileen dad badan oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Dadkan la dilay sida ka muuqata garbo-duub ayaa loo xiray markii la dilayay, waxaana ka muuqda xariggii lagu xiray”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in dadkaasi ay shuhaddo yihiin bacdamaa ay dileen Ciidamo cadaw ah oo dalkooda ku soo duulay.

Dhawaan ayay ahayd markii Xarunta Warshaddii Oomada Xasey ee Magaalada Baydhabo laga helay Qabuur-Wadareedyo lagu aasay dad ka badan 10 Ruux. Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in dadkaas oo culumaa’udiin ahaa ay dileen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee fariisinka ku lahaa Xarunta Warshaddii Xasey ee Magaalada Baydhabo.
Hiiraan: Article Link http://www.hiiraan.com/news/2009/Mar/wararka_maanta22-6055.htm


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.