What you may have missed

Monday, March 23, 2009

Muna Absiye oo Mareykanka lagu celiyey

Famous! But finally Safe!

Muna Maxamed Cabsiiye oo mudooyinkan u dhexeysay xabsi iyo safar aad u dhib-badan oo ay ku soo qaadatay magaalooyin ku yaal qaarada Afriya iyo Ameerika, kadib markii 2-dii bishan Maarso laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka ayaa nasiib-wanaag dib loogu soo celiyay magaaladii laga soo tarxiilay ee Alexandria (Virginia-Usa). Sii Aqri Warkaan

Muna ayaa diyaaradii siday loo diiday inay soo caga-dhigato magaalooyinka Boosaaso iyo Burco,waxayna in muddo ah ku rafaadsaneyd garoomada Jabuuti iyo Nayroobi,ugu dambeyntiina saraakiisha socdaalka ee Mareykanka go'aansadeen inay ka fiirsadaan go'aankii gabadhan lagu masaafurinayey,waxaana arinta soo dhaweeyay qoyska gabadhan oo muddo ka wel-welsanaa xaaladeeda.

Gurmadka gabadhan dib loogu soo celiyay Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb-qaatay sida aan xogta ku-heleyno qaar ka mid ah Suxufiyiinta Bahda Idaacadda laanta af-soomaaliga ee (Voa-Somalia) maadaama Muna ay walaalo yihiin Saxafiyadda caanka ah ee Farxiya Maxamed Cabsiiye oo iyadu dadaal-dheer u gashay sidii walaasheed dib loogu soo celinlahaa hoygii laga masaafuriyay ee Alexandria (Virginia-Usa).

Ehelka iyo qaraabadda Muna ayaa mahad gaar-ah u soo jeediyay dhamaan Soomaalidii ka qeyb-qaadatay sidii gabadhooda dib loogu soo celin-lahaa dalka Mareykanka.

Calanka.com Link http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka27314

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.