What you may have missed

Thursday, March 19, 2009

Garabka Asmara oo Qabanqaabinaya Dowlad Dhexaadi Ah.

Garabka ASMARAMas’uul ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Asmara oo shaaca ka qaaday qaban qaabada shir ay sheegeen in lagu dhisi doono Dowlad ay Somalia yeelato. Sii Aqri
Xoghahaya dib u heshiisiinta ee isbaheysiga dib u xoreynta Somalia garabka magaalada Asmara C/naasir Sarinley oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay iney wadaan iyaga iyo xubno ka tirsan beesha caalamka qabanqaabaada shir lagu soo dhisayo Dowlad Somaliyed oo dalka Somalia uu yeesho.

Waxaa uu intaa ku daray Sarinley in isbaheysiga dib u xoreynta Somalia uu horumar weyn ka sameeyey sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahaayeen siyaasada isbahaysiga ee ah in dalka laga xoreeyo cadowga sida ciidamada Itoobiya ee hadda ka baxay dalka, Ugandha iyo kuwo uu ku sheegay dabadhililfka dalka soo geliyey kuna xasuuqay shacabka Somaliyed inaan wax xukun ah lala wadaagi Karin.

“Isbaheysiga dib u xoreynta dedaal badan ayuu sameeyey, waxaana magaalada Asmara uu kulamo kala duwan oo ku saabsan arimaha Somalia looga hadlayey uu kula yeeshay madax ka ka kala socotay caalamka sida dalka Faransiiska, Finland Jaamacadda Carabta Sudan iyo kuwo kale kuwaasoo dhamaantood garwaaqsaday siyaasada isbaheysiiga iney tahay mid saxda ee dalka dhibaatada looga saari karo” ayuu yiri Xoghahaya dib u heshiisiinta ee isbaheysiga dib u xoreynta Somalia garabka magaalada Asmara C/naasir Sarinley.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xafiisyo kala duwan ay isbaheysigooda ka fureen magaalooyinka Doxa oo dalka Qadar ah, Khartuum iyo meelo kale oo caalamka ah oo si weyn looga soo dhoweeyey waxaadna ogtihiin qaar ka mid ah madaxdeena ay ku maqan yihin dalka oo ay halkaasi ka wadaan howlo muhiim ah, anaguna waxaan u joogaa magaalada Nairobi sidii aanu kulamo ula yeelan laheyn beesha caalamka kuwaasoo ku aadan sidii loo qaban qaban lahaa shirweyne lagu soo dhiso Dowlad Somaliyed oo ay ka wada qeyb qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada taasoo ay horey nooga ogolaadeen” ayuu yiri Sarinley oo intaa ku daray inaaney aqoonsaneyn waax dowlad ah oo ka jirta dalka Somalia.
Dayniile Article Link: http://www.dayniile.com/March2009/19March1.htm

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.