What you may have missed

Thursday, March 19, 2009

Aljazeera oo Siminaar Somaliya u qabatay

"Kooxaha mucaardaka waa aynu is garaneynaa..."

Xarunta daraasaadka ee taleefishika Al-jazeera ayaa qabatay siminaar loogu magac daray ifafaalaha mustaqbalka Somalaiya ee marxaladda soo socoto kaasi oo ay ka soo qeyb galeen aqoon yahono qurba joog iyo dalka iyo waliba culimaa`udiin . Sii Aqri
Xarunta daraasaadka ee taleefishika Al-jazeera ayaa qabatay siminaar loogu magac daray ifafaalaha mustaqbalka Somalaiya ee marxaladda soo socoto kaasi oo ay ka soo qeyb galeen aqoon yahono qurba joog iyo dalka iyo waliba culimaa`udiin .

Waxa ay isla garteen ka qeyb galayaasha marxaladaasi in hishiis dhex mara dowlada cusub iyo kooxaha islaamiyiinta hubeysan uu yahay mid suura gal ah .

Ka qeyb galayaasha kulankaansi ayaa muujiyay rajada ay ka qabaan in xal u helidda dhibaatada Soomaaliya iyo soo celintii amaanka uu yahay mid si weyn suura gal u ah xiligaan kana dhaw kuwii hore.

Go`aanka dowlada ay ku gaartay in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka ayuu ka yiri sheekh Maxamed Cabdi Cumar in taasi ku timid rabitaanka shacabka Soomaliyeed dowladana dhagaha u raaricisay .

Waxa uuna meesha ka saaray in wax dagaalo ah ay dhex mari karaan dowlada iyo kooxaha hubeysan , waxa uuna xusay in culumaa`udiinka ay wadaan dadaalo nabadeed .

Dadaalka ay wadaan culimada ayaa noqonaay mid lala kaashanayo goalaha culimada muslimiinta aduun ka iyatdoo wafdi ka socda culimada Soomalaiyeed ay la kulmayaan Sheekh Yuusuf Al-qardaawi .

Dr.Cumar Sheekh Idiris oo ah xildibana ka tirsan baarlamaanka Soomalaiya kana qeyb galayay nadwadaasi ayaa sheegay in dowlada ku rajo weyn tahay in ay mira dhalaan dadaalada nabadda shacabkana uusan dooneyn in hubkii dib loogu laabto oo qori la qaato.

"Kooxaha mucaardaka waa aynu is garaneynaa waan midda fududeyneysa in ay si fudud isu fahano ", ayuu yiri xildibaanka .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com
Calanka News Deck

Calanka: Article Link: http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka27306

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.