What you may have missed

Tuesday, October 14, 2008

Booqasho sadex maalmood ah oo aanu kusoo marnay qaybo badan oo ka mid ah goobihii dagaaladu ka dheceen ee magaalada Muqdisho mudooyinkii dambe ayaa w

Cusbitalka oo uu ka muuqdo raadka dagaaladii halkaasi ka dhacay ayaa wajiga hore ee isbitaalka waxaa ka muuqanaaya bur-bur xoogan oo soo gaaray dhismaha wayn ee daarta.Mudadii uu xirnaa cusbitaalkaasi ayaa waxaa waxbarasho la’aan la soo deristay ardaydii wax ka baran jirtay dugsigii waxgarahada ee SOS oo dhawaan amni daro darted isna u xirmay, waxaana ardaydaasi lagu dhex arkayaa iminka wadooyinka waawayn ee magaalada.

Ardaydani ayaa lagu qiyaasay inay gaareysan ku dhawaad ilaa iyo 500-boqol oo arday oo isugu jira kuwa lagu korin jiray xarunta iyo kuwa ka yimid degmoyinka gobolka Banaadir sida uu idaacada shabelle u sheegay kooshin Max'ed Cali oo ka mid ah ardaydii ku soo kortay xarunta SOS ee magaalada Muqdisho isagoo sheegay in iminka aysan heysan wax barasho isla markaana uu ka codsaday hay'ada SOS in ay dib u biloowdo howlohoodii wax barasho.
Tan iyo markii la aas-aasay cusbitalka SOS horaantii sideetameeyadii ayaa waxaa uu qaban jiray howlo caafimaad oo gar-gaar ah, kuwaasoo uu cisbitalku u qaban jiray Haweenka iyo Caruurta oo uu u sameyn jiray howlo caafimaad iyo mid waxbarasho oo kufilan.


Dhawaan ayay ahayd marki war bixin kasoo baxday xafiiska Bariga Afrika ay kusheegeen in ay joojiyen howlihii ay hey`adaasi ka waday gudaha dalka Soomaaliya, waxaana nuqulkaasi uu soo gaaray shabakada Wararka ee Calanka.

Dhowr jeer oo hore ayaa irdaha la isugu dhuftay xarunta waxbarashada ee SOS, iyadoo horay ey ugu xirantay dagaladii cuslaa ee ku dhex maray ciidamada dowlada kuwa Ethiopia iyo kooxaha ka soo hor jeeda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka halka uu ku yaalo SOS ee degmada Huruwaa ama Suuqa Xoolaha.

Illaa iyo iminka lama oga xiliga sida rasmiga ah dib loogu furayo cusbitalkaaso iyo xiliga ey kusoo laaban doonaan hay`adihii ka howlgali jiray maadaama ay wali taaganyihiin dhibaatooyinkii ay markii hore ey uga carareen oo uu amniga ugu horeeyo.

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.