What you may have missed

Saturday, May 1, 2010

Maleeshiyada X/Islaam oo meel fagaaro ah ku qaraacay askari iyaga ka tirsan oo qayilay

Maleeshiyada X/Islaam oo meel fagaaro ah ku qaraacay askari iyaga ka tirsan oo qayilay: "Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ayaa 'dhooletus ciidan' ku sameeyay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay sidoo kale ku fuliyeen xukun qaraac ah oo ay u geysteen mid ka mid ah maleeshiyadooda oo ay ku eedeeyeen in uu cunay JAAD, islamarkaana uu qayilay."


Goobta uu xukunka iyo "dhoolatuska ciidan" ka dhacay ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne u badan haween iyo caruur kuwaasoo ay meleeshiyaadka uga soo saareen guryohooda gawaari ay ku xiran yihiin qalabka warka baahiya sida sameecado iyo mikrafoon kadib markii ay ku wargeliyeen in ay kasoo baxaan guryohooda oo ay daawadaan "dhoola-tuska ciidan" iyo xukunka ay fulinayaan.




Goobta ayaa waxaa ku sugnaa oo hadalo ka jeediyay horjoogayaal ka tirsan Xisbul Islaam, waxaana ka mid ahaa ninka ururkaasi u qaabilsan gobolka Banaadir ee dhawaan xukunka adag dul dhigay warbaahinta gudaha kaasoo lagu magacaabo Macali Xaashi.







xigasho - Geesguud.com


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Dalkanews.com oo Dib Loo Habeeyay, Nashqad Cusub, Qaybo Cusub iyo Qurux Hor Leh

Shabakada Dalkanews.com oo caan ku ah wararka isdaba jooga ah ee la xiriira arrimaha dalka soomaaliya ayaa dhowaan, in muddo isbuuc dhan, ka baxda hawada. Waxaan la ogeyn sababta keentay inay shabakadan caanka si kedis ah uga maqnaato qadka oo aanan weliba la shaacin sababta ka dambeysay. In kastoo aqriste yaal badani u xiiseen intii ay dalkanews.com ka maqneed hawada wararkii nobelka ahaa ee ay ka aqrisan jireen, ayaa hadana waxaa noqday wax lagu farxo muuqaalka cusub ee ay kusoo bedeleen nashqadda ama designka webkaas.

Webka dalkanews.com ayaa haatan u muuqda mid aad caalami u ah kaasoo ah mid qurxoon oo si fiicin loo habeeyay weliba lana kala bixiyay wararka, videoyada, opinionka laguna soo daray, world news updates qayb ah taasoo lagu soo bandhigo wararkii ugu dambeeyay ee wakaaladaha wararka ingiriiska ku qorani ka soo diyaariyaan arrimaha soomaaliya.

Qaybaha ugu waxyeelka badan waxaa ka mid ah.

  • Dhismo isku heysa News, Videos, Opinions, World News
  • Qaybta Headline News oo Is bed bedbelaya kana muuqda Bogga Hore
  • Videoyada cusub oo dhanka bidixda ku tixan
  • Qaybta Headline Videoska is bedbedelaya (last 5 video updates)
  • Dhismo Heysa Popular (Qoraalada iyo wararka loogu aqris badan yahay)

Dhismaha naqshadda cusub waxaa loo adeegsaday iiDhis Web Design taasoo ah mid dhalinyar howl kar ah oo howlaha dib u habeenta web site-yada aad ugu dheereeya ay usugu yimaadeen.

Waxaad moodaa in dalkanews.com shaqo xoog leh gelisay dib u dhisidda webka taasoo ah mid aad loogu riyaaqo. Sidaa darteed Tafariyaasha dalkanews.com iyo webmasterka waxaan ku leeyahay hambalyo. Fadlan sii wada howsha caalamiga ah.


Dalkanews.com ayaa haatan si xowli ah dunida dacaladeeda looga soo booqdaa.
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat