What you may have missed

Tuesday, June 7, 2011

Mahiga iyo afartiisa saaxiib: xaaladda siyaasadeed ee dalkeena

Ii ogolaada aqristayaaloow in aan idiin sheego sheeko aad wada garanaysaan laakin aad ugu eg xaaladda siyaasadeed ee dalkeena ka jirta.
 
Waxaa jiray nin lahaa afar xaas kaas o si gooni gooni ah ugu sheegay mid walba in uu iyada jecel yahay,laakiin waxaa wada sheekaystay afartii xaas oo tu walba tan kale u sheegtay in ninkeedu iyada jecelyahay,markaas ayaa waxay wada qabsadeen ninkoodii si gooni gooni ah waxayna ka codsadeen in uu u ( ( cadeeyo tan uu sida runta ah u jecelyahay laakiin ninka oo ahaa nin aad u caqli badan (..) ayaa balamiyay  xaasaskiisi mid walbana si gaar ah ugu soo sheegay in uu meel fagaara ah ku sheegi doono ama ku cadeyn tan uu jecel yahay laakikiin iyagana looga baahahan yahay tan ay ishaarada ku dhacdo in ay qarsato dumarka kalana aysan waxba isaga sheegin  laakiin ay gurigeeda la fadhiisato.
 
Waxaa la gaaray maalintii balantu ahayd dumarkii iyo ninkii qabay ayaa isugu yimid goobtii balanta nin kii ayaa hadalka furay kaas oo sheegay maanta kadib in aysan jiri doonin wax la qarinaayo saas oo kale isla arinkaan in aan loo baahnayn in mar danbe laga wada hadlo, saakayna uu cadeyn doono xaaska uu xaasaskiisa u jecelyahay asgaa oo sheegay in uu i dusha ka taaban doono tan uu jecel yahay iayadana looga baahan yahay in ay qarsato cidna aysan isaga sheegin.
 
Ninkii ayaa ka codsaday xaasaskiisa in ay sii jeestaan kaas oo markii ay sii jeesteen si isku mid ah afartiisii xaas uga taabtay dusha taas oo ay xaasaskii mid walba iyada oo faraxsan aaday gurigeeda nafteedana ku qancisay in ay iyada tahay tan la jecelyahay.
 
Saas oo kale waxaa Nairobi ka dhacay sheeko aad moodo tan in laga koobiyeeyay kadib markii Mr Mahiga uu Kenya isugu geeyay afar qayb oo ka mid ah laf dhabarta siyaasadda Sooaaliya kuwaas oo kala ah Dowladda Soomaaliya oo uu matalo Shariif,Dowladda kale ee la dagan MUqdisho ee Baarlamaanka,Dowladda Soomali-land iyo tan Puntland.
 
Mahiga ayaa ku geuulaystay in uu sagootiyo saaxiibadiis iyaga oo qoslaya mid kastana aaminay in uu isaga yahay kan ku weyn qalbiga Mahiga iyo indhaha caalamka taas oo aad ka dheehan kartay qudbadihii ay jeediyeen taas oo uu midwalba sheegay in tiisii la qaatay.
 
Hadaba waxaa is weydiin leh see ma hiiga uga qoslisiiyay afar ruux oo uusan qosol ka dhexeyn ? sideese u mideeyay aragtiyo kala fog ?
 
Mr mahiga oo sida muuqata ah khabiir ku xeel dheer xaaladda qaybi oo xukun ayaa aad u aqristay dalabyada kala fog oo ay soo gudbiyeen xubnaha isku haya siyaasdda Soomalaiyeed kaas oo asna dhankiisa hal warqad ku soo koobay dalabaadkii kala duwnaa taas oo iyadana keentay nin walba in uu warqadii gabagabadii shirka laga aqriyay  ka dhax helay aragti isaga uu soo jeediyay saas darteedna in uu gaaray hadafkiisiii ayna u cadaatay ama uu isagu yahay kan dusha laga taabtay.
 
Shariif ayaa sheegay in sidii uu isaga codasadayba in shirka lagu qaban doono Muqdisho asoo indhaha ka qabsaday qaybaha kale ee go'aanka taas oo lid ku ah riyadiisii sida in sanad aanan loogu daraynin iyo in shirka ay dowladdu marti ka tahay taas oo uu maamuli doono Mahiga.
 
Shariif xasan ayaa asna isku qanciyay in uu isaga ahaa kan codsaday in waqtigan la qabto doorashada asoo asna indhaha ka qabsaday in aysan jirin sedex sano oo loo ogolyahay in uu ku darsado iyo in uusan jirin shir lagu qaban doono Kenya.
 
Saas oo kale wakiilka shirka u fadhiyay dowladda Soomaali-land ayaa isku qanciyay kuna faanay in ay ahayd guul taariikhi ah in ayna aheyd aqoonsi qarsoon asaga oo iska indha tiray dadka kala qayb galay shirka iyo ajandaha shirka looga ahaa mustaqbalka Soomaaliya, iyo cidii maamulaysay shirka oo ahaa wakiilka QM u fadhiya Soomaaliaya.
 
Sidaas oo kale dowlad goboleedeka Punt-land ayaa ku farxay sida diiran oo loo soo dhaweeyay shirka iyo in ay ahaayeen dowlad kale oo qayb ka ahayd shirka iyaga oo iska indha tiray in wixii ay doonayeen ay waayeen taas oo ah in ay shirka marti galiyaan kana helaan qayb libaax.
 
Saas oo kale taageerayaasha kala taageera kooxaha siyaasadda Soomaaliya ayaa iyagana mid walba siduu jeclaa u fasirtay wuxuuna Mahiga ku guulaysto Somaali oo laga waayay in ay isla qoslaan in uu ka wada qososhiiyo asaga oo isla markaas sun u qooshaya.
 
Ugu danbayn shariif axmed ayaa hurdada ka kacay kadib markii uu saaxiibkiis Musaveni u fasiray sirta Mahga iyo hadii shir la qabto in ay taas macnaheedu tahay geeridii dowladiisa kaas oo kalkiisa markale sheegay in uu hadda fahmay ujeedada,hadaba waxaa is wqeydiin leh yaa wax u sheegaya kooxaha kale iyo shacabka Soomaaliyeed si iyagana kalkooda ay u fahmaan in dusha layska wada taabtay laakiin aysan jirin qof gaar ah oo iyada dusha gaar looga taabtay iyo qof iyada gaar loogu daneeyay balse Mahiga uu isgu danaystay.
 
 
 
Xasanali11@hotmail.com
Xasan Mohamed