What you may have missed

Friday, May 28, 2010

Shariif Xasan oo loo doortay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa goor dhow loo doortay xilka Gudoomiyaha baarlamaanka, kadib wareegii ugu horeeyay ee cod bixinta doorashada oo ku hogaamiyay 217-codad.
Gudiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Shariif Xasan uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay u tanaasuleen Musharaxiintii la tar tamayay.,

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ahaa musharaxa ku xiga Shariif Xasan ayaa helay codadka la tiriyay 143-cod, inkastoo uu ka tanaasulay wareegii labaad oo uu la tartami lahaa.

Shariif Xasan ayaa ku fariistay kurisga Gudoomiyaha baarlamaanka, markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay, waxaana durbadiiba is qabsaday sacab iyo damaashaad ay bilaabeen Xubnaha Baarlamaanka ee taageersan.

Shariif Xasan oo loo doortay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Dalkanews.com
La soco wixii ku soo kordha Dalkanews.comSomali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat