What you may have missed

Monday, May 17, 2010

Munaasabadii Xuskii SYL ee Khartuum

MUNAASABAD LAGU MAAMUUSAYAY XUSKA  SANAD GUURADII 67AAD  EE KA SOO WAREEGATAY ASAASKII URURKA S.Y.L AYAA XALAY LAGU QABTAY MAGAALADA KHARTOUM CAASIMADA DALKA SUDAN.

 Waxaa xalay magaalada Khartoum caasimada dalaka Sudan lagu qabtay munaasabad ay ka soo qeeyb galeen Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo inta badan ururada dhalinyarada iyo ardayda wax ka barta jamacadaha dalka Sudaan, taasoo lagu xusayay sanad guuradii 67 aad ee ka soo wareegatay asaaskii ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed  S.Y.L ee sababta u ahaa keenistii xuriyada iyo madax banaanida dalka iyo umada Somaaliyeed.

Munaasabadan oo aheeyd mid si heer sara ah loo soo agaasimay waxaa si wada jir ah isaga kaa shaday qabsoomideeda Ururka Jiilka Cusub ee Soomaaliyeed oo ah urur dhalinyaro oo ka jira dalka Sudan iyo wadamo kale oo ay wax ka bartaan dhalinyaro Soomaaliyeed iyo Jimciyada Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan.

Munaasabadan oo ka dhacday mid ka mid ah tiyaatarada Jamacada Afrika ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo loga hadlayay tariikhdii ururkii S.Y.L, Dooladihii Soomaray Soomaaliya iyo Bilawgii Mugdiga iyo burburka Soomaaliya, Waxaana ragii soo jeediyay barnaamijyadaa ka mid ahaa. Mudane Maxamed Ismaaciil Cumar oo ah G/ xigeenka Ururka Jiilka Cusub ee Soomaaliyeed, Max'ed C.qaadir Da'ud  iyo Axmed Maxamuud Jaamac oo ah Arday Culuumta siyaasada ka bartay jamacada Afrika ee Sudan.
 
Munaasabada waxaa sidoo kale lagu lafa guray doorka ay Saxaafada iyo Ururada dhalin yaradu ka ciyaari karaan raja soocelinta Soomaaliya, waxaana si qurux badan oo faah faahsan u soo jeediyay C.naasir Maxamuud Xasan oo ah X/guud ee Ururka jiilka cusub iyo C.qaadir Barqadle Cigale oo ah xubin ka mid ah Jimciyada Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee sudan.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Jimciyada Saxafiyiinta Soomaaliyeed Mudane Abuukar Salaad Maxamuud iyo Gudoomiyha Ururka Jiilka Cusub ee Soomaaliyeed Mudane C.rashiid Maxamed Nuur, waxa ayna labaduba Umada iyo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasata oo ay ku suganyihiin Ugu hambalyeeyeen munaasabadan, waxa ayna si wada jir ah ugu baaqeen dhalin yarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Raja soo celinta Umada Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyn labada gudoomiye ee Ururka jiilka Cusub ee Soomaaliyeed iyo Jimciyada Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxa ay si wada jir ah ugu yeereen Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan iyo qaar ka mid ah Marti sharaftii ka soo qeeyb gashay Munaasabada si ay u maamuusaan bixinta Koob Kubada cagta ah oo  ee ay labada urur galabnimadii  dhex dhigeen kooxo Soomaaliyeedoo  ka dhisan Khartoum, waxaana kabtanka kooxda qaaday koobka  Muduudi Ciyaar yahan C.rixmaan (Carach) koobkii gudoonsiiyay Xog-hayaha Maaliyada Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan Mudane Saciid Jeerbe.

Hadaba munaasabadani waa tii ugu horeeysay oo nooceeda ah oo lagu qabto dalka Sudan, ayadoo hore loo xusujiray maalmaha Xoriyada Soomaaliya oo kaliya.