What you may have missed

Friday, May 14, 2010

Hees Wadani ah: Qaran by Farxaan Maxamed Xaaji- Qiima Badan Calankeenii


Heestaan waa mid wadani oo aad calool xumo kuugu dileysa. Waxaa qaadaya Farxaan Maxamed xaaji. Qoraaga heesta waa abwaan Ow Muxumad. Aqriso erayada heesta daawana Videoga heestan. Waatv.com - Sii aqriso oo furo heestan.

mar hadii qabyaaladi
qaran lagu meteli karo
oo ay qiimo leedahay
dadkayagu ma dhoofeen

qaarad kale ma aadeen
quutina uma doonteen
mana qiil xumaadeen

qiima badan calankeenii
qiima badan calankeenii
nafta qaali loo huray
qasaas badana loo maray

dadkayagan is qalayoo
qaxar iyo dhib jeceloow
qalooc laga abuuroow
qaranimada dumiyoow

qaxootiga ka doortoo
war hooy maa is qabataan
quruxdii u noqotaan

qiima badan calankeenii
nafta qaali loo huray
qasaas badana loo maray
ciida looma quuree.

Waatanaa video-ga heesta


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat