What you may have missed

Sunday, February 28, 2010

Maqaal ka hadlayaa saamaynta dhibaatada umada soomaaliyeed oo dhinacyo badan taabanayaa

Waxaan mudo dheer warbaahinta laga maqlayay ama laga daawanayay ama laga aqriyay dhibaatada aan ka soo raynta lahayn ee soomaaliya . hadaad u sii dhabo gasho bulshada soomaaliyeed yar iyo wayn caruur iyo ciroole , rag iyo dumar cid aan ogayn majirto dhibka ka jira inuu yahay is fahan la,aan , qabiil, damac , siyaasad xumo,. Cadaalada daro dulmi waxa dalkooda sidaa u galay .


Dalkeena ingaa duminay ,Dadkeenana inagaa dulminay,
Dunidana dadka ugu liidata ayan noqonay Soomaaliyeey


Waxaanay dhamaantood ogyihiin inay yihiin dad dayacan oo dalkoodiina burburiyay kala qaybiyay kala fogaaday la kala dilay cadow dibada ah gacanta kula jiro.

Waxaad dareemaysaa inuu mid waliba u gaajaysan yahay inuu arko dowladnimo soomaaliyeed iyo magacii qaranimada oo dib u soo laabta iyo isaga oo muujinayaa hilow iyo jacayl badan inuu u qabo.

Hadaba maxaa dhaba waxaan jira qofka walaan ama maanka laga qaado sida culumada cilmiga diinta iyo fiqiga yaqaana iyo kuwa sayniska iyo kuwa cilmi nafsiguba isku waafaqeen in qofka waalan ogyahay waxa uu samaynayo inay xun yihiin balse uusaan lahayn xakamayn ama kantarool uu ku maareeyo inuu joojiyo oo ay luntay qaybtii maskaxda miisaanka saari jirtay waxaan dhaaf waa xun yihiine ama iska daa dani kuuguma jirto ama dhib ama ceeb ama wax kale ayaa kaa soo gaadhayaa.
Maadaama uusan lahayn wax ka celinayaa ama qaybtii damiirka ee diidmada iyo xalka u qaabilsanayd wax waliba way ka suuroobaan qofkaas walaan lagulamana yaaabi karo waayo waa cudur ku dhacay maskaxdiisa ama qaybta maamulka ban,aadanka oo ah maskaxda.

Waxaa xaqiiq ah in soomaalidu ku jirto tiih ama wareerkii reer bani israa,iil la geliyay mudadii afartanka sano ahayd ilaa hadana aysan hayn xalkii ay kaga bixi lahayd.maadaama dhibkeedii 20 jirsaday inay kasii darto maahee aysan ka soo raynayn.

Waxaa taagan tuba tu ku ilow waxaana had iyo jeer dadku is waydiiyaa maxay tahay sababta xalka loo waayay xalka uu nin waliba ogyahay in daacadnimo islaanimo wadaniyad xuma nacayb samajacayl iyo alle ka cabsi in lagu heli karo balse aanu diyaarka u ahayn ee markuu ka qayb galo shirarka aanu u iman in ilaahay dadkiisa iyo dadkiisaa nabad iyo xal u keeno ee isaga oo dano gaara oo ku kooban naftiisa iyo kuwo uu ku fushado oo uugu magic daray beeshiisaa u soo fadhiista ayuu durbadiiba hadalada wanaagsanaa ee meesha ka dhacay laba midkood kala soo dhex baxaa waxuuna qabsadaa qadka telefoonka ama warbaahinta ayuu u bandhigaa isaga oo leh labadan qodob midkood dhahayo
Hadaan reer hebel nahay xaqeenii waan inoo soo dhiciyay hawsha aan wadona dan ayaa inoogu jirta , Ama hadaan reer hebel nahay xaqeenii waa la duudsiyay ee diidmada iyo dagaalka ogaada.

Waxaa xaqiiq ah in cudurka ugu way nee soomaaliya hayaa yahay qabiil, jaahilnimo. Daacadxumo, iyo danaystanimo, haba sii kala darnaadaan waxaynu wanaag u naqaan xumaanta ,

155 sano ka hor markuu gumaystuhu yimid wadanka soomaaliya ayaa waxay ka qoreen arimo badan waxaana ka mid ahaa oo maanta aan xaqiiqsaday in soomaalidu ku faanto afar dhibkeeda ah.

1= intaas oo maalmood ayaan qaday oo anan afkayga wax saarin , ¨
2 =intaas oo maalmood ayaan socday oo aanan mar salka dhigin
3= intaas oo xoola ah ayaan dhacay oo aanan lahayn
4 =intaasoo qof ayaan dilay oo aanan xaq ku lahayn

1=Intaas ayaan socday waxaa uu socday socod wadkii galay isaga oo aan ku fekerin inaad iska socoto waxay wax yeelaynaysaa naftaada noloshaada waxaadna geli kartaa khatar sababta inay nafsadaadu halis gasho waxaa loo yaqaan dhul mar qurbaawi nin socod badan oo aduunka oo dhan iyo meel kasta cagaha dhigay balse aan wax xirfad ama cilmi ah ka soo korodhsan.

2=Intaas oo maalmood ayaan qaday waa qof naftiisa soomiyay isaga oo aan cibaado uga dan lahayn ilaawayna waxaa uu cuna qabateeynayaa inay tahay naftiisaa xaqna ay ku leedahay nin tiisaba daryeelaa tu kalena ku sii darana markaa nin tiisa dhibkeedii wanaag u arka ma naf kale ayuu wanaag u samaynayaa waa mayaa jawaabtu

3=Intaas oo xoolo ah ayaan dhacay aduunka waxaa ceeb ka ah carab iyo cajam cadaan iyo madoow inuu qofku dadka waxiisaa u hunguroodo wadama qaar waa la dilaa wadamada qaar waa lagubaa wadamada qaarna waxaa lagu xukumaa xabsi daayin waayo qofka waxaa uu halis umada kale waayo qof waliba aduunka waxaa uu leeyahay inuu ku kalsoonaado kuna filnaado ayaa fiican balse soomaalida waxay u yaqaanan nin xiniinyo badan o halyeey ah hadaad lafahaaga kala baxsato adigaa
Nasiibleh waa bahal ayaa lagu faaniyaa dadka dadka waxiisa ku qabsada ama dhaca ama ku murma

4=Intaas oo qof ayaan dilay aduunka waxaa ceeb inaad disho ama goyso naf aan waxba kuu gaysan diinteenu way mamnuucday dhaqankeenii suubaana waa ku ceeb oo umada inay kaa nabad gasho ayaa fiicaan dhaqanka aduunka waa ku deelqaaf iyo dulinimo inagu waa umada hada joogtee waxay ku faanaan waa laayaan waa dilaa waa nin qof gacan u qaado dib looma sii arko waa reera miishan ama dabin qool oo haduu damco inuu kuu dhameeyo daqiiqad ayuu kugu fulinayaa shirqool waxaaad ceebta u taqaan ninbay camalkiisa tahay.

Bulshoyahay soomaaliyeed waxaa xaqiiqo ah inaan dalkeena duminay oo aynu garan la,nahay qaabkii aan u dhisi lahayn qudhaanjada aduunka ugu itaalka yar hadaad ka duugto godkeeda waxay awood u leedahay inay beri god kale oo ay degto diyaariso dhamaan xayawaanka aduunka ku nool mid aan samaysan Karin hadii uu dumiyo gurigiisaa ama daad ka galo ama duufaan qaado ma jirto.

Balse inaga oo dada waxaan dareemi la, anahay inaan dalkeena dib u dhisno dadkeena dib u uruurino
Daryeelo dumarkeena iyo caruurteena , daawayno dhibanaha iyo bukaankeena , dugsiino waayeelkeena iyo duqaydeena , doojino xoolaheena , danayno qaranimadeena . daadihino dowladnimo loo dhan yahay . waxaan qoraalkan ku soo afjarayaa waan ognahay xumahee iska daayo daddoow waan ognahay samahee u dareera daddoow waan ognahay diintee ku dedaala daddoow waan ognahay danteenee u duraanta dadoow waxaan ku soo afjaraya qoraalkan tixdan gaaban.

Waxaan uga danleeyahay
Dadka dega dalkaygoow
Dugaaguba hogiisiyo
Dogobka uu ku nool yahay
Haddii daad ka soo galo
Dab qabsado dulkiisooo
Duufaano qaadaan
Dib inuu yagleeloo
Deer kaleeto jeexdoo
Dugsi uu samaysto
Dadaw wuu yaqaana

Dunjigeeda soomaal
Dumiyaay burburiyay
Damdaguug ka yeelaay
Daa duun ka dhiga oo
Dab ku shidaba maahee

Dejiyaa ka daayaay
Dalku waa dalkiinii
Dadkuna waa dadkiinii
Daaraha daleeyaay
Dabaqana dul taagaay

Maatida darxumadiyo
Duliga iyo dagaalkiyo
Dulmigaba ka dhaafoo

Darr allee daryeel fala
Dadku miyaanu garanayn?

Dantu meesha ay tahay
Dawo iyo midnimo qaran
Dadku miyaanu garanayn?

Deegaan barwaaqo ah
Duunyadu ku darartaa
Nabad lagu doogsado
Doonaay u duubtaay
Dadku miyaanu garanayn?


Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii
Cabdiarxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.