What you may have missed

Thursday, February 25, 2010

Calanka.com oo Ku Shaqeysata Tikniko Raqiis ah.

Calanka.comWiil aan Saaxib nahay ayaa markastaa yiraahda, "Calanka.com waaweyn waaye!." Anigoo la kaftamaya ayaan mar ku iri, oo maxaad ku aragtay saaxiib? Kama sugeyn jawaab si macquul ah wax iiga sheegta Calanka.com sida ay ku mutaysatay laybalka "waaweynka." Balse waxaan ka sugayay jawaab. Saaxiibkey ayaa igu yiri, fiiri sida ay isku barbar dhigto sawirrada waaweyn ee quruxda badan qaarna kaa nixinaya. Markaas anigoo qoslaya ku iri, saaxiib sawirradan web site waaweyn kama dhigaan ee waxkale ii sheeg. Sii Aqriso


Sababta aan kaaga sheekeeynayo hadalada na dhexmaray aniga iyo wiilkan ayaa tan ah. Calanka.com waxay bilihii dambe soo noqoneysay web mudan in la xuso iyadoo caan ku noqotay warar aan caadi ahayn oo had iyo goor xiiso leh. Marka ma ahan mid layaab ah inay dad badani hadalkeeda hayaan, ama wararka dheeriga ah usoo raadiyaan. Hase yeeshee, tafatirayaasha Calanka.com waxaa bilihii dambe ay bilaabeen shuqul xumo raqiis ah oo hadeynan joojin ay kaga harayaan aqriste-yaal farabadan oo si toos ah si maalinle ah usoo booqda web site kooda.

Shuqul xumada ama tiknikada raqiiska ah ayaan ka wadaa inay soo saaraan kaliyah xayeysiinta loo yaqaano Google Adsense boggooda hore, kadibna xiraan meel walba oo gudaha bogaas hore (index.html) looga geli karo. Waxaa taa ka sii daran, waxa ay raacinayaan masawir ay ku qoran tahay "Halkaan Ka Gal" iyadaoo linkiga kaliyah ee halkaa ka muuqda yahay mid xayeysiin.

Sida fudud ee loo fahmi kari ujoodadooda ah in loo riixo xayeysiinta si ay u gurtaan quruuraca yar ee riixmada xayeysiinta lagu siiyo ayaa ah mid ay ku bedeshaan booqashada aqristahooda lacag aan sidaaba u badneen, iyagoo weliba ku qasba (iyagoo siraya) inay aqristuhu riixo xayeysiinta - maadaama qofku raadinayo meel uu war ka aqriso.

Waa caado xun in aqristaha sharafta leh ee si asxaan ah kaaga soo raadiya wararka aad caanka ku noqoteen inaad ka hor keentaan xayeysiin aadna ku sirtaan inay riixaan.

Ma ahan hal mar, laba mar, waxa ay sameeyaan tiknikadan raqiiska ah muddo dhan hal isbuuc iwm iyagoo xiraba webka Calanka.com aanan soo gelin wararka mudadaas socda balse ay ka muuqato kaliya xayeysiinta centska aan dhameen riixmadeedu.

Aniga iyo dhalinyarta aan saaxiibada nahayba waan jecelnahay inaan booqano Calanka.com, waxaana calanka.com ka codsanayaa inaad ku sii socon qaabka aad wax kuwadaan oo ay ku raadiyaan mushaarka. Maxaa yeelay, dadku waa idinku nacayaan webkiinana waa iska iloobayaan. Hadii aad rabaan inaad lacagta idinka soo gasha Google Adsense-ga kordhisaan, aniga iisoo sheega anaa idiin sharaxa sida fudud oo loo helo linkiyo lacag fiican idin soo geliya.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

1 comment:

  1. A/s/c/ walaalkiis ha ku shidan ka wareeji quutul yomka ha raadiyeen

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.