What you may have missed

Wednesday, November 18, 2009

Haweeney galabta Fagaare ku yaal Degmada Waajid Dhagax lagu dilay


Maamulka Al-Shabab ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta meel fagaare ah oo ku yaal Degmada Waajid kula fuliyay Haweeney la sheegay inay sameysay gogol dhaaf taasoo soo martay Guur hore, waxaana fagaarahaas lagula dilay Xukun dhagax ah.
Sida ay sheegayaan wararka Haweeneyda dhagaxa lagu dilay iyo nin la sheegay inuu isna ka sineystay ayaa goobtaas lagu fuliyay Shareecada Islaamka, iyadoo ninka la sheegay inuusan wax guur ah soo marin, isla markaana lagu garbaashay 100- Garbaash.

Haweeneyda oo qaarka dambe laga aasay godna la geliyay ayaa la sheegay in Dhagax nafta lagaga qaaday qaarka hore, waxaana halkaas goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu arkayay Haweeneyda oo dhagax lagu dhifanayo qaarka hore, ilaa ay ay qudh baxday waxaana ka qeyb galay halkii lagula fuliyay xukunka dadweyne fara badan.

Xukunada ceynkan oo kale ah ayay Al-Shabab ka fuliyeen deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana u badnaa Ragga oo dhowaan nin isna guur soo maray oo kufsaday Haweeney lagu dilay dhagax Magaalada Marka isla bishan gudaheeda.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Gabar muran badan uu ka dhashay xukunka lagu fuliyay gudaha Magaalada Kismaayo oo dhagax lagu dilay, iyadoo Gabadhaas da'deeda la sheegay in ay aad u yareyd, waxaana dhacdooyinkan ay yihiin kuwo Al-Shabab ku qaado Shareecada Islaamka



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.