What you may have missed

Wednesday, November 18, 2009

Haweeney galabta Fagaare ku yaal Degmada Waajid Dhagax lagu dilay


Maamulka Al-Shabab ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta meel fagaare ah oo ku yaal Degmada Waajid kula fuliyay Haweeney la sheegay inay sameysay gogol dhaaf taasoo soo martay Guur hore, waxaana fagaarahaas lagula dilay Xukun dhagax ah.
Sida ay sheegayaan wararka Haweeneyda dhagaxa lagu dilay iyo nin la sheegay inuu isna ka sineystay ayaa goobtaas lagu fuliyay Shareecada Islaamka, iyadoo ninka la sheegay inuusan wax guur ah soo marin, isla markaana lagu garbaashay 100- Garbaash.

Haweeneyda oo qaarka dambe laga aasay godna la geliyay ayaa la sheegay in Dhagax nafta lagaga qaaday qaarka hore, waxaana halkaas goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu arkayay Haweeneyda oo dhagax lagu dhifanayo qaarka hore, ilaa ay ay qudh baxday waxaana ka qeyb galay halkii lagula fuliyay xukunka dadweyne fara badan.

Xukunada ceynkan oo kale ah ayay Al-Shabab ka fuliyeen deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana u badnaa Ragga oo dhowaan nin isna guur soo maray oo kufsaday Haweeney lagu dilay dhagax Magaalada Marka isla bishan gudaheeda.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Gabar muran badan uu ka dhashay xukunka lagu fuliyay gudaha Magaalada Kismaayo oo dhagax lagu dilay, iyadoo Gabadhaas da'deeda la sheegay in ay aad u yareyd, waxaana dhacdooyinkan ay yihiin kuwo Al-Shabab ku qaado Shareecada Islaamka



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Tuesday, November 17, 2009

Baaq ay soo saareen guddoonka dhallinyarada iyo aqoonyahanka Galmudug?

Kulankii guddigga dhallinyaradu wuxuu ku dhamaaday jawi ku dhisnaa is’afgarad iyo is’faham guud oo laga gaaray dhamaan qodobadii ay iclaamiyeen labada gole ee Galmudug iyo golaha marjaca beesha Sacad. Aqriso Baaqa oo Dhan
1. Anakoo ku hadlayna magaca Guddoonka dhallinyarada, Aqoon’yahanka, iyo taageerayaasha Galmudug ee waqooyiga Ameerika jawaabna ka bixineyna safarkii wafdiga DKMG ee uu hogaaminayey Taliyaha ciidamada Soomaaliyeed Generaal Abdi Hassan Awaale (Qeybdiid) oo ahaa gogol xaarka iyo xaqiiqo raadinta shirka lagu balansanyahay ee xalinta hkilaafaadka Galmudug ee dhowaan lagu qabandoono magaalada Muqdisho ayaan si aan kala harlaheyn u soo dhoweyney inagoo Generaalka uga mahad celineyna xushmadii iyo xilkasnimadii, xog-aruurintii iyo xaqiiqo raadintii cadaalada ku dhisneyd ee uu muujiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Generaal Abdi Hassan Awaale (Qeybdiid).

2. Inagoo tixraaceyna Fadhigii shalay ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug golaha Barlamaanka iyo Golaha wasiirada ee Galmudug oo uu shir gudoomiyey Ku simaha Madaxweynaha Galmudug ahna gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Mohamed Hussien Tahliil, shirkaas oo lagu taageeray gogosha xalinta khilaafaadka Galmudug ee lagu qabandoono dhowaan magaalada Muqdisho iyo xayiraadii Dowlada Sacuudigu ka qaaday xoolaha somaaliya ayaa Gudoonka iyo aqoonyahanka beesha Galmudug ee waqooyiga Mareykanku iyagoo tixraacaya bayaankii ay iclaamiyeen labada gole ee Galmudug ayey si aqlabiyad leh u ayideen Gogosha nabadeed ee gudiga xalinta khilaafaadku ay fidiyeen iyagoo gacan ka helaya Madaxweynaha dowlada KMG ee qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

3. Waxaan iyana si aan kala’har laheyn aan u soo dhoweyney go’aankii wax’tarka lahaa ooy ku mideys’naayeen bulsho weynta beesha Sacad sida:

golaha Odey’dhaqameedyada, aqoonyahanka, dhallinyarda, dumarka, xildhibaanda, wasiirada, iyo culimaa’udiinka Galmudug, go’aankaas ooy ku iclaa’miyeen inay grab taagan yihiin gogosha nabadeed ee guduga xalinta khilaafaadka Galmudug ee magaalada Muqdisho.

Waxaan ayidney oo farxad iyo yididiilo nagalisay midnimadii, taladii iyo go’aandadii ay soo jeediyeen Golaha Marjaca beesha Sacad dabadeedna ka codsaday taliyaha ciidanka Boliiska Generaal Abdi Hassan Awaale inuu ka gudoomo qoraal iyo fartiimo ay u gudbiyeen guddiga xalinta khilaafaadka ee muqdisho oo ka tarjumayey maseerka beesha Sacad iyo dariiqa ugu habboon oo lagu xalin karo khilaafka ragaa’dey ee labada garab ee Galmudug.

4. Waxaa mahad celin iyo karaameynba naga mudan waxgaradka iyo Masuul’liyiinta DKM ee kasoo jeeda Galmudug xilka ay iska saareen daminta iyo qaboojinta khilaafka laba lixaadsadey iyagoo u daneynaya shacabka masaakiinta ee abaaraha dab-dheeraadey iyo colaadaha la ildaran.

Waxaan gudiga khilaafaadka Muqdisho u sheegeynaa in go’aanka ay qaateen uu yahay tilaabo mudan in lagu day’do oo xaqqa iyo cadaalada waafaqsan kuna fiican adduun iyo aakhiraba. Ilaahey waxaan I’diinka barr’yeeynaa inuu idiku garab galo tilaabada dhinaca nabbadda aad u qaadeen, waxaana idiin rajey’neynaa inaad ka mirra dhalin doontaan Gogosha iyo nabadda aad fidi’seen. Waxaan idinka codsaneynaa inaad dhex-dhexaadintiina iyo go’aanadiina ku saley’saan hab cadaaladeed ee waafaqsan dhaqanka iyo shareecada Islaamka.

5. Waxaan ka codsaneynaa dhamaanba jaaliyadaha Galmudug ee dibadaha inay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii looga mira dhalin lahaa gogosha ay fidiyeen waxgaradka beesha Sacad oo runtii fiirsan waayey isqb-qabsiga iyo ismariwaaga siyaasadeed ee ka aloosan maamulka Galmudug ooy wada dhisteen beelaha dega Gobolada Galmudug.

6. Waxaan uga digeynaa warbaahinta faraha badan eeku abtirsata beesha Galmudug inay ka waan-toobaan dhex-dhexaad la’aanta iyo dhan u xaglinta koox, garab ama xisbi, balse looga baahanyahay inay mar walba ka shaqeeyaan nabada kana fogaadaan xasaraadaha keeni kara hurin colaadeed. Balnateenu waa in laga fogaado hadalada dadka kala fogeyn kara.

Ugu danbeyntii kulankii guddigga dhallinyaradu wuxuu ku dhamaaday jawi ku dhisnaa is’afgarad iyo is’faham guud oo laga gaaray dhamaan qodobadii ay iclaamiyeen labada gole ee Galmudug iyo golaha marjaca beesha Sacad.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat