What you may have missed

Thursday, September 3, 2009

Ciidanka Badda oo BROKE ah

Sida ay u egtahay waxaa tababar dhowaan loo dhameeyay koox lagu magacaabo ciidanka Badda Soomaaliya. Inkastoo aanay jirin cidkale oo magacaas ku qabsan karta, waxaa jirta in ragaan 'la tababaray' aysan ka duwaneyn dadka caadiga ah iyagoo sidooda oo kale aanan heyn wax biil u ah markii laga reebo hal saabuun iyo sodon doolar bishii. Markii arinkaas la sii fiiriyo, waxaa sii dheer in dhalin yartaas dhan 500 oo askari loo diyaarinayo inay ka hortagaan burcad badeedka. Waa su'aale, nin s$30 bishii la siiyo siduu u celin karaa nin malaayiin doolar sanadkii qori caaradiis ku soo xareeya? Daawo Video-gan Ciidanka Badda Soomaaliya oo koondhadii lagala soo daahay aanan la siin wax lacag ah labadii bil lasoo dhaafay.





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.