What you may have missed

Thursday, July 9, 2009

Dagaalka Xaafadda C/Casiis: Waa Dhowaqa Rasaasta iyo Daryanka Madaafiicda

Waa muuqaallada dagaal ka dhacay xaafada C/Casiis ee magaalada Muqdisho. Xaafadaas ayaa ah mid shacabkii deganaa iskaga carareen oo loo firaaqeeyay labada dhinac ee is weydaarsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan iyagoo dhufaysyo isugu jira. Gudoomiye Ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir, C/Fitaax Ibraahim Shaaweeye, ayaa ka waramaya dagaalkan u dhexeeya Dowladda KMG ah iyo xoogagga ka soo horjeeda.



Cudurdaar: Waxaan ka cudur daaranaynaa video-ga oo aan ka muuqan halkaan in muddo gaaban.

Top Videos

2 comments:

  1. DAGAALKA SOMALIA WUXUU ISTAAGAYAA MARKA QOF KASTA UU MIYIRKIISA KU SOO NOQDO, KHALADKIISANA FAHMO, DADKII IYO DALKII UU DEMBIGA KA GALEYNA CAFIS WEYDIISTO, ILAAHEYNA TOWBAD IYO DEMBI DHAAF WEYDIISTO.

    INTAAS WAXAA XIGTA IN QOF KASTA UU KU NOQDO GOBOLKII UU KA SOO DUULEY, HALKAASNA UU KU TACBADO ILAAHEYNA KU TAWAKKALO.

    HADDII INTAAS KA WAAYO, WAXAA HUBAAL AH INEY ISKU DHAMAANAYAAN DAALUMIINTA OO DHAN, ILAAHEYNA U KEENI DOONO KUWO IYAGA KA NAXARIIS DARAN OO AAN U TURI DOONIN, UNA RAXMADI DOONIN, TAAS WAA HUBAAL.

    ReplyDelete
  2. Waan ku raacsanahay walaalkay fikraddiisa waana qof meel dheer wax ka arkaya. Dadka loo baahanyahay inay fikrado saliim ah ka dhiibtaan arrimaha soomaaliya ayuu ka mid yahay. Intaa kadib, mid qudha ayaa ah in aanan lagu degdegin oo ah inuu qof walliba gobolkiisii ku noqdo.

    Dadku wuu barakacaa, macneheedu waxa weeyaan marmar xididdadaa u soo go'a markaa halkii geedkiisu ka bixi jiray, kuma noolaan karo mararka qaarkood, noloshuna kolba meel ayay ku qabadsiisaa oo qof walliba meesha ugu habboon nabadgelyo ahaan, dhaqaale ahaan, tixgelin ahaan, ayuu ku dhowaadaa inuu beddelaayina dhib ayay ku noqotaa.

    Intaa waxa dheer in dad badan oo reer guuraa ahaan jiray ay magaalooyin ku noolaayeen tobankii sanee u danbaysay, kuwaasoo ay ka kala hallawday shaqadii baadiye, si loo soo qabto iyo si dib loogu unkana aanan haynin, ubadkiisiina badh iskuulka dhigtaan, markaa kaasina haddeed kuma noolaan karo baadiye, gobolkaagii amma tuuladaadiii ku noqona lama odhan karo, haddii lagu qasbana wuxu la mid yahay qof dagaal ka baxsaday.

    Markaa walaalayaal, waxan odhan lahaa in caddaaladdu ay ka bilaabanto bulshada unugyada ugu yaryar. Siday caddaaladi ku iman iyo degannaansho iyadoo jilib kastiba odayada u taliya inta badani ay mansabka tamar ku heleen ee ayna talo ku helin, iyadoo tuulo kasti masuulkeedu awna ahayn inta badan kii ugu habboonnaa, iyadoo shaqaale meel jooga, marka laga reebo kuwa privateka ah, ay inta badan yihiin kuwa lagaga fiicanyahay amma anan ka soo bixi karin masuuliyadda loo dhiibay, iyadoo district kasta ay u taliyaan intii ugu cilmiga iyo caqliga yarayd, sidee markaa walaalayaal la rabaa inaan tallaabo hore u qaadno. Dadkeenna intii cilmiga lahaydna wax la su'aalayaayi ma jirto iyadoo ay wax badan xalka innoo heli karaan.

    Caddaaladda iyo horumarka waa in hoos laga bilaabaa. Sidaas ayuu waddanku ku gaadhi karaa horumar iyo deganaansho.

    Waad mahadsantihiin.

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.