What you may have missed

Friday, May 8, 2009

Dagaal xoogan oo la isku habeensaday maalinti labaad muqdisho ku dhex maraya xoogaga Al-Shabab iyo Ciidamada Maxaakimta .

Dagaal la isku habeensaday ayaa maalinti labaad ka holcaya Wadada warshadaha iyo garoonka kubada cagta lagu ciyaaro ee Stadio Muqdiso kaas oo geysanaya qasaare nafeed iyo mid hantiyeed. Sii Aqri Maqaalkan - Dagaal Xoogan
Dagaalka oo sii xoogeystay galabta abaara 3:00 galabnimo ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey gawaarida gaashaman oo labada dhinac ay isticmaalayeen iyo iyo altiliriyo lagu duqeynayey dhufeysyada dagaalka .

Dagaalka galabta ayaa ku siqay xaafado nabdoona sida dhabarka Ifka Xalan , Gubta , iyo Cali Kamiin iyo Xamar Bile oo si ba'an loogu qaraacayey hoobiyayaal .

Afhayeen u hadlay Ciidamada Maxaakimta oo caawa wareysi siiyey mid ka mid ah idaacadaha Muqdsiho ayaa sheegay in Ciidamadooda ay gaareen meelo aanay joogi jirin ayna ku siqeen xaafaha gubta iyo miisaanka oo aysna saaka joogin , waxaana uu sheegay in mar walba ay iyaga difaac yihiin oo lagu gardaroonayo weerarkana uu ku socdo.

Afhayeenka oo magaciisa ku sheegay Sh.C/raxmaan Muuse marka uu wareysiga bixinayeyna laga maqlayey telefoonkiisa gurxanka rasaasta ayaa sheegay in dagaalka aysan joojin doonin ilaa ay ka sifeynayaan magaalada wax uu ugu yeeray caawga ilaahay .

waa marki ugu horeysay oo ay maxaakimta sheegtaan in ay guulo ka so hoyeen dagaalada ay kula jiraa xoogaga al-shabab e maalinti labaad galay.


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.