What you may have missed

Sunday, May 10, 2009

Saxafiyiin ku dhaawacamay madfac ku soo dhacay Agagaarka Ifka Xalane oo ay howlo Saxafinimo u joogeen.


Madaafiic lagu garaacay Agaagaarka garoonka Kubad Cagta ee Muqdisho Stadium ayaa waxaa ku dhaawacmay Saxafiyiin xili ay howlo Saxafinimo u joogeen.Kadib shir jaraa’id oo ay maanta ururka Al shabaab ku qabanayeen Maxkamada Ifka Xalane ayaa waxaa inta uu socday Shirkaasi Jaraa’id ku soo dhacayay agaagaarka Maxkamada Madaafiic farabadan taasi oo sababtay in wariyayaal gaaraya 3-wariye ay ku dhawacmaan.

Wariyayasha dhawacyada ay soo gaareen ayaa waxaa ka mid ahaa C/naasir Nuur Geedi oo ah Cameraman ka tirsan TV-ga lagu Magacaabo Horn Cable iyo sidoo kale Wariyeyaal ka tirsan Idaacada iyo TV-ga shabelle oo lagu kala Magacaabo Bashiir Qaliif Gaani iyo Max’ed Cabdi Naxar oo ay soo gaareen dhaawacyo fud fudud.

Sidoo kale waxaa dhawacyo ay ka soo gaareen dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa,waxaana sarkaalka u hadlayay ururka Al shabaab oo lagu magacaabo Shiikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo ah Wakiilka Al shabaab ee gobolada Dhexe uu sheegay in madaafiicda ay ka soo dhacayeen sida uu sheegay goobaha ay ku sugan yihiin Cadawga waxaana daqiiqadiiba halkaasi ku dheceeyay dhowr madfac oo meesha ka dhigtay mid ay is qariyeen siigo iyo Qiic badan.
Shabelle.NET


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.