What you may have missed

Monday, March 23, 2009

AMISOM oo la Wareegay KM4


AMiSOM
Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa markii ugu horreysay waxaa markii ugu horreysay ku hoyana Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Axad, March 22, 2009(HOL): Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa markii ugu horreysay waxaa markii ugu horreysay ku hoyana Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ciidamada Amisom oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa hareeraha Waddadaas, iyadoo sidoo kalena Daaraha Dhaadheer ee Waddadaas ku yaalla ay saaran yihiin Ciidamadaas oo aad u hubeysan. Meesha ay soo degeen Ciidamada Amisom ayaa waxaa horay ugu sugnaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo haatan la soo sheegayo in badankood halkaas laga qaaday.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay in ay Ciidamada degaan Waddadaas ayaa haddana waxaa jira warar sheegaya in ay Ciidamadan sugayaan ammaanka Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4, taasi oo ah mid aad muhiim ugu ah isu socodka Ciidamada Amisom ee ku kala sugan Dekedda, Garoonka Diyaaradaha, Isgoyska KM4 iyo Xarunta Villa Somalia.

Dhowr jeer oohore ayaa Ciidamada Amisom waxaa qaraxyo lagula beegsaday Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM4, iyadoo qaraxyadii ugu dambeeyay oo Ciidamadaas lala beegsadayna ay geysteen dhimashada hal askari iyo dhaawaca seddex kale.

Dadka ku nool nawaaxiga Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay aad uga wel welsan yihiin in ay dushooda ku dagaallamaan Ciidamadan iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo dhowr jeer oo hore ay dagaallo ku dhexmareen Magaalada Muqdisho.

Hiiraan.com: Link http://www.hiiraan.com/news/2009/Mar/wararka_maanta22-6057.htm

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.