What you may have missed

Sunday, March 22, 2009

Waagacusub.com waa Waagii Hore la aas!


Waagacusub Media wax badan ayay ka hadashey arrimo quseeya siyaasadda Somaliya, gaar ahaan, websitekas waxaa lagu soo bandhigay qoraalo lid ku ah koox ka mid ah kuwa diiniga ah. Qoraaga waagacusub.com ayaa furtay mid cusub addresskiisuna yahay..
Sii Aqri - Waagacusub.com waa Waagii Hore la aas!

Websiteka Waagacusub.com ayaa dhowaan la xiray oo haddatan ka maqan Internetka. Hase yeeshee waxay u muuqataa in Daahir Calasow oo ah ninka magaciisa ku furtay akoonka websiteku ku registareey santahay uu ku wareegay Waagacusub.net maadaama midkaa uu furan yahay.

Waagacusub Media wax badan ayay ka hadashey arrimo quseeya siyaasadda Somaliya, gaar ahaan, websitekas waxaa lagu soo bandhigay qoraalo lid ku ah koox ka mid ah kuwa diiniga ah.

Intaan webka waagacusub.com la xirin ka hor, waxa ay web kaasi soo qortay in taliye ku xigeenka ururka caalamiga ah ee Al-qaacida uu joogo magaalada Marka. Dhowr saacadood ka dib, Isniintii lasoo dhaafay, webkii waa laga xiray.

Qoraaga Waagacusb.com ayaa wuxuu ku andacooday in dil loogu dhaartay dhowr mar, wuxuuna raaciyey warkiisa in la siiyeeen ReadyHosting lacag si loo xiro websiteka Waagacusub.com. ReadyHosting waa shirkadda keydisa feylalka Waagacusub.com.

Websiteka waagacusub.com waa web aad caan ku ah bulshada soomaaliyeed wuxuuna heystay 55,212 Alexa rank. Alexa waa system xisaabiya kala caansanaanta website-yada Internetka.

Websiteka ugu caansan aduunka waxa la siiyaa number 1-waad alexa rank, midda xigtana number 2-baad, tan sedexxaadna number 3 iyo sidoo kale. Marka waagacusub.com waxay kaga jirtaa liiskaa number 55,212-aad. Hiiraan.com waa 26,052-aad, Dayniile.com waa 25,138-aad, AminArts.com waa 48,138, calanka.com waa 76,341

Maadaama ka xiranyahay webka waagacusub.com, waxa uu wararka soo gelinaya midka ah waagacusub.net. Waxa ay ku jirtaa numberka 776,639, maadaama aan sidaa weli loo aqoon. Haddii webkaanu sii furnaado waxaa cad inuu noqonayo mid isaguna aad caan u ah, iyadoo xiiso gaar ah loo soo geli doono si looga aqristo wararka cusub.

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.