What you may have missed

Thursday, January 8, 2009

Ciidamada Maxaakiimta Islaamka ee gobolka Sh/dhexe oo dadaal ugu jira soo celinta nabadda.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamka ee gobolka Sh/dhexe oo dadaal ugu jira soo celinta nabadda.


Wararka ka imaanaya Gobalka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan howlgalo lagu sugayo amaanka Degmooyinka Gobalka shabeelada dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen waxoogaa amaan dari ah.

Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa Isbaarooyin ka qaaday deegaano ku xeeran Degmada Cadale ee gobalka shabeelada dhexe, iyagoo halkaas ka cayriyay kooxo dadka ku hayay dhibaatooyin farabadan oo isbaarooley ahaa.

Dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalkaas waxaana ay maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ka codsadeen in ay sii wadaan howlgalada ceynkaan ah oo lagula dagaalamayo kooxaha isbaarooyinka ku dhibaateeya dadka shacabka ah.

Si kastaba ha’ahaatee Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka shabeelaha dhexe ayaa mudooyinkaan waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka Gobalkaas sida laga dareemayo deegaanada kala duwan ee Gobolka maadaama nabad galyo la'aanteed aysan nolol jiri karin.
by ahmed said olad

1 comment:

  1. Ahmed waad ku mahadsantahey maqaalka aan soo daabacday

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.