What you may have missed

Wednesday, September 2, 2009

Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo Digniin Siiyay Burcad Badeedka

Ciidanka badda ayaa dhowaan usoo afjarmay tabab dheer oo ay bilihii lasoo dhaafay ku qaadaneyeen xeebaha Muqdisho. Shaqada ugu horeysa ay qaban doonaan, sida uu sheegay taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya, admiral Faarax Cumar Qarre ayaa ah inay wax ka qaban doonaan Burcad Badeedda.
Taliska Badda Dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Kooxaha Burcad Badeedka ee xayiraha ganicsiga markableeyda dhex mara badda Hindiya ee ku taala agagaarka Soomaaliya. Admiral Faarax Cumar waxa uu sheega in howl galka koowaad ee ku dhaqaaqi doonaan ciidamada baddu noqon doono mid ku aadan wax ka qabadka nabadgelyada badda Soomaaliyeed. Ciidamada badda aya ayaa howlahooda ka bilaabi doona xeebaha goballada bari sida kuwa dowlad gobaleedka Puntland maadaama ay halkaas ku badanyihiin burcad badeedku.

Waxay ahayd dhowaan markii dalka Filibiin ciidamada badda Soomaaliya u fidiyeen kaalmo tababar oo ay siinayaan iyagoo ka caawinaya cidamada badda Soomaaliyeed sidii aya uga qayb qaadan lahaayeen ilaalinta badda Soomaaliyeed iyo agagaarka badweynta Hindiya sida Gulf of Aden.

Sida uu sheegay taliyaha ciidamada badda, Soomaaliya waxa ay soo gaartay xili ay awoodo inay badeeda ilaashato isagoo yiri, "Ciidamada Badda soomaaliyed waxay awood u leeyihiin difaacida Xeebaha Soomaaliya, maalmaha dhowna waa u howl geli doonaan"

Badda Soomaaliya ayaa ah mid lagu daadiyo sunta haraaga kiimikada iyadoona ganacsato shisheeye si xowli ah uga kaluumeystaan si sharci darro taas oo asal u noqotay in burcad badeedku soo ifbaxday.

Daawo Tababarkii u Socday Ciidanka Badda ee June 2009




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Jabuuti oo Soo Diraysa 500 oo Askari kuna Biirinayso Kuwo AMISOM


500 More Troops

Dowladda Jabuuti oo deriska la ah Soomaaliya ayaa dhowaan si toos ah u xaqiijisay in ay soo diri doonto ciidan ka socda dalkaas oo ah kuwa nabad ilaalinta kuwaasoo lagu soo wado Soomaaliya. Jabuuti oo diyaarinta ciidamadaas dhowaan soo afjartay ayaa ku biirin doona ciidankooda kuwa horey u jooga Muqdisho ee ka socda AU loona yaqaano AMISOM.


Sida uu sheegay Rooble Colhaye oo ah danjiraha u fadhiya Jabuuti Qaramada Midoobey ayaa ah in Dowladda Jabuuti ay isku dayi doonto sidii ay qaybteeda uga qaadan lahayd sidii nabad loogu soo hogi lahaa dalka Soomaliya ee ay xuduudda la wadaagto. Sida uu sheegay danjiruhu, ilaa iyo 500 oo askari ayaa dowladda Jabuuti u koondheysay inay ku biiraan kuwa AMISOM iyagoo sida la qiyaasi karo ay noqon doonaan kuwa ka garab dagaalama ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Mar la weydiiyay suurta galka in ciidamada Jabuuti ee dalka ay ku soo wadaan noqon doonaan kuwa ilaalo u ah dowladda oo had iyo goor ilaaliya villa Soomaaliya ayuu Rooble Colhaye beeniyay arinkaa kuna adkeystay in ciidamada Jabuuti loo isticmaali doono sidii nabadgelyo iyo xasilooni Soomaaliya u gaari lahayd.

Ciidamada la soo wado kana soo bixi doona, sida uu Rooble warka u dhigay, doorkooda nabad ilaalineed ayaa dowladda Jabuuti ku hanweyntahay in ay ku soo daad gureeyaan sida ugu dhaqsiyaha badan deg degna u soo gaarsiiyaan dhulka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa ka mid ah kuwii nabad ilaalinta Midowga Afrika horey uga balan qaaday Dowladda KMG ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu wado in la gaarsiiyo ilaa 8 kun. Ilaa iyo hadda waxaa jooga Muqdisho ilaa 5 kun kuwaasoo ah Brundays iyo Ugandays.

Lama oga meesha ay ka degi doonaan Soomaaliya ciidamada Jabuuti soo wado hase yeeshee waxaa la filayaa inay toos u gaari doonaan Muqdisho halkaas oo ayaa ka hortegi doonaan ciidamada mucaaradka oo iyagu seefo u sii sifeysanaya.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat