What you may have missed

Sunday, June 6, 2010

Yaa Ka Dambeeyay Shirqoolkii Lagu Xiray Qunsulka Safaarada Soomaalida Ee Dalka Suuriya


(Diplomaasi Maxamed (Hurdaaye)oo la-sheegay inuu shirqoolay Adeerkiis oo Sii-haye ka-ah Safaarada Soomaalida ee Dalka Suuriya)

Qunsulkii Dawlada Soomaalida ee Dalka Suuriya Diplomaasi Maxamed Xasan Muuse Tareey (Hurdaaye)oo 20-beri ka-hor lagu xiray Magaalada Beirut ee caasimadda Dalka Lubnaan ayaa la filayaa in maxkamad la-saaro maanta oo Jimco ah taarikhduna ku-beegan-tahay 4-06-2010


Diplomaasiga ayaa gacanta lagu-dhigay xili uu doonayey inuu Qaad ka soo dejiyo Magaalada Bayruut,kadibna si qarsoodi ah ku soo geliyo Dalka Suuriya.

Qunsulka ayaa muddo 7-bilood ah Gaariga Safaarada ku soo gudbin-jiray Qaadka uu ka keeno magaalada Beyruut, tan iyo xiligii Garoomada Suuriya laga mamnuucay Qaadkii ay London ka keeni-jireen,kolka uu Dimishiq soo geliyana waxaa lagula heshiin-jiray inuu laaluush ahaan u-qaato isaga iyo Safaaraada Suuriya 30-xabbo oo Marduuf ah.

Xaaska Diplomaasiga Marwo Aamino Meygaag oo ku-sugan xaafada Madcamiyah ee Magaalada Dimishiq ayaa ku andacooneysa in odeygeeda uu shirqool u-dhigay Sii-hayaha Safaaraada Suuriya Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)oo adeer laxmi u ah Qunsulka lagu xiray Magaalada Beiruut,kadib markii rag Lubnaaniis ah oo uu laaluush siiyay ay Gaarigiisa dhex-dhigeen Daroogada loo-yaqaan Xashiishka oo mamnuuc ka ah Dalka Lubnaan,kolkii Qaadka la qabtayna waxaa kursigii uu ku fadhiyay hoostiisa laga helay Xashiis lagu qiyaasay nus-kiilo iyo Qaad tiradiisa lagu sheegay 150-kiilo

Aamino ayaa sheegtay in dagaalka odeygeeda iyo Sii-hayaha Safaraada ay bilaabatay muddo laga-joogo 6-sanno ,geeridii Alaha u-naxariistee Marxuumkii Safaarada laga dhaxlay ee Ex-Ambassador Xasan Muuse Tareey intii uusan dhiman uu warqad ka soo saxiixday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad,inuu u magacaabo Sii-hayaha Safaarada Soomaalida ee Dalka Suuriya,kadibna kolkii loo magacaabay xilka wuxuu bilaabay inuu na colaadiyo aniga iyo odeygeyga ilaa aan go'aan ku-gaarnay muddo laga joogo 4-bil inaan ka guurno dhismihii Safaarada ee ku-yaalay Xaafada Mazah,waxaana u guurnay ayey tiri guri uu ka geeriyooday Marxuumka Safaarada laga-dhaxlay oo ku-yaal Xaafada (Madcamiyah)iyadoo xustay in odeygeeda aan lagu xirin Qaad,balse gaarigiisana loo geliyay Daroogada loo-yaqaan Xashiishad.

Waxaa xusid Mudan in dhaq-dhaqaaqii Safaarada Soomaalida ee Suuriya uu hakad ku-yimid muddo 7-bilood ah,iyadoo hada ay xabsiyada ku-jiraan Manduubkii Safaraada Dipolomaasi-sare C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamuud (Dr-Barqiye)oo ku-xiran Magaalada Dimishiq,halka Qunsulkiina uu ku xiran-yahay xabsi-ku-yaal Magaalada Beirut,kadib markuu uu shirqooiay Adeerkiis Sii-hayaha Safaarada Soomalida ee Suuriya Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)waxaana sidoo kale ciidamada Sirdoonka ee Suuriya ee loo-yaqaan (Amni-Siyaasi)ay amar-ku-bixiyeen in la xirayo qofkii ka-tirsan Safaraada Soomaalida ee Suuriya ee lagu arko Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dimishiq.


Xigasho http://www.shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=1406:yaa-ka-dambeeyay-shirqoolkii-lagu-xiray-qunsulka-safaarada-soomaalida-ee-dalka-suuriya-diplomaasi-maxamed-xasan-muuse-tareey-hurdaayexog-rasmi-ah-oo-la-helay&catid=1:warka&Itemid=2
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Warbixin Dheer (Audio) ku Saabsan heerka Internetka Afrika

Warbixin- isbad badelka adeegga internetka ee qaar kamida dalalka qaaradda afrika, iyo halkuu caalamka ka joogo.

Warbixin- Waa sidee xaalada helitaanka adeegga Internetka ee Soomalida ku dhaqan dalka Yemen.
Wareysi- Waa side helitaanka xaaladda internetka ee dalka Kenya, maxaase is badalay tan iyo sanadkii 2000 oo ahayd wakhtiyadii xarumaha bixiya internetka kuwoodii ugu horeeyay laga furay caasimadda Nairobi.

Dood gaaban- Sidoo kale waxaad maqli doontaan qeybtii 2aad ee Dood ku saabsan sida inta badan xirfadlayaasha Soomaalidu uga faaideystaan adeegsiga internetka.

Waxaad Barnaamijkaan ka dhageysan kartaa boggaan qeybtiisa hoose.

Hoos ka Dhageyso Radio Bar-Kulan oo Warbixntan soo diyaarisay - Hoos riix

in reference to: Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda Maanta. | Bar-Kulan (view on Google Sidewiki)