What you may have missed

Showing posts with label News Videos. Show all posts
Showing posts with label News Videos. Show all posts

Wednesday, September 1, 2010

Daawo Dagaalka maanta - courtesy of Xamarcade.com


Daawo dagaalka maanta ka socda magaalada Muqdisho o ay ka soo tebisay Aljazeera. Fadlan ogoow waxa uu warkan ku baxayaa af carabi. Linkiga waa - Halkaan ka daawo Dagaalka Maanta - Xamarcade.com -

Wednesday, August 25, 2010

Hotel muna weerar ay ku dhinteen 6 xildhibaan


Weearkii shalay ka dhacay Hoteel Muna ee ay ku dhinteen 32 ruux ku jireen lix xildhibaan ayaa laga soo duubay video-gan

Halkaan ka daawo video laga duubay dhowr daqiiqo kadib markii dagaalkii istaagay

Monday, May 17, 2010

Madaafiicdii Maanta - Video-ga Daad Gureynta Dhaawaca Iyo Deminta Debka Guryaha Dumay CNN


Video-gan waxaad ka arki kartaa dadkii dhaawac soo gaaray oo baabuur lagu daad gureynayo iyo weliba dad kala firxanaya oo qaarba gees u cararayo. Waxaad kaloo arki kartaa guri gubtay oo la deminayo hase yeeshee caag yar oo hal gacan lagu qaban karo, sida kan musqulaha lagu dhex isticmaalo, kaasoo loo isticmaalayo in lagu demiyo guri weyn oo deb iyo qaac ka baxayo. Debdemiskii aaway?
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Monday, October 5, 2009

Arday Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Masar oo Shahaadooyin Loo Qaybinayo

Xafladaan ayaa sanad walba waxay ay kadhacdaa magaaladaan Cairo. Waxaana soo Abaabula xafladaas ardayda Somaliyeed ee wax ka barta Masar ayadoo ay kasoo qeyb galaan markasta xubno ka socda safaaradda Soomaaliya ee ka shaqeysa dalkaas. Sidoo kale, waxaa yimaada marti sharaf iyo mas'uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya. Sanadkaan waxaa ksoo qeyb galay xildhibaan Cabdi Raxmana Ceynte iyo safiirka Soomaaliya iyo marti sharaf uu kamid yahay Mudane Yusuf jimcaale.




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Tuesday, September 29, 2009

Sh. Yuusuf Indhacade oo Ka Hadlay Khilaafaadka Goballada Waqooyi

Dhageyso Sh. Yuusuf Indhacade oo ka hadlaya khilaafaadkii u dhaxeeyay kooxaha guurtada Somaliland iyo isagoo ka jawaabay su'aal ah in AMISOM xiratay jidad ku yaala magaalada Muqdisho



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Monday, September 28, 2009

Khudbadii Q.M M.W Sh. Shrif Ka Jeediyay, Why Arabic?

Shiik Shariif ayaa dhowaan ka qayb qaatay isutagga wadamada aduunka ee Qaramida Midoobay isagoo ka jeediyay qudbad dheer oo uu ku aqriyay afcarabiga. Soomaali badan ayaa isweydiisay sababta keentay in madaxweynuhu ku hadlo afcarabiga iyadoo kuwa kale ay (si ku faan leh) ku hadlaan luuqadaha dalalka ay u dhasheen. Bal daawo qudbada kana dheebo fikirkaaga iyo waxa aad ka qabto iyo sida adiga kuula muuqato sababta shiikhu carabiga uga doortay afsoomaaliga.




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Maxamed Nuur Khayr, Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Booliska oo La Aasay

Daawo Video ah Taliye Ku xigeenkii Ciidanka Booliska, Maxamad Nuur Khayr oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray ismiidaamintii alShabaab la beegsatay ciidanka AMISOM ayaan dhoweed. Maydkiisa yaa diyaarad looga soo celiyay Nairobi kadibna Muqdisho shalay lagu aasay iyadoo isugu soo baxeen masuuliyeen sar sare ka tirsan Dowladda KMG ah. Halkaan Riix



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Sunday, September 6, 2009

Kooxaha Isku Heystaha Dalkeena

Kooxaha isku heysta Soomaaliya: Daawo Video Ka warbixinaya ururrada kala duwan oo si jahawareerleh isku mari la dagaallada tixanaha ah.





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Guddiga Sportiga oo Beeniyay Qilaaf u Dhexeeya


Gudoomiyaha Sportiga soomaaliya oo beeniyay in qilaaf ka dhex jiro guddiga sportiga. Waxay aheyd dhowaan mar ay soo baxeen warar sheegaya in gudigga sportiga Soomaaliyeed dagaal ka dhex dhacay oo ay isku afgaran waayeen howlaha gudigaasi qabto.





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Xaabsade oo Codsadey in Beeraleeyda Soomaaliyeed Loo Naxariisto

Xaabsade oo dhowaan laga dhigay wasiirka wasaaradda beeraha ayaa ka hadlay xaaladda beeraleyda soomaaliyeed isagoo sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo cid beeraleey ah. Waxuu xaabsade ugu baaqay ururada quudiya qaxootiyada soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa sida ururka WFP inay yareeyaan amaba aysan keenin cuntada caawinaada ah xiliga beeraleeyda soomaaliyeed u soo go'ayaan galeeyda, digirta iyo qamadiga iwm.






Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Faahfaahin Wadahadal U Socda Dowladda iyo Qaybo ka mid ah Xisbul Islaam

Wasiirka arrimaha dibadda Cali Axmed Jaamac (jangeli) shir jaraa'id shalay ku qabtay madaxtooyada ayuu faafaahin ka bixiyay wararka sheegaya inay jiraan wadahadal si hoos ah u socda oo u dhexeeya dowladda iyo ururka Xisbul Islaam. Daawo warbixinta shirka jaraa'id universal TV






Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Kenyan Authorities state Alshabab Planned an Attack on Hillary Clinton

Kenyan authorities claim Alshabab planned to attack the hotel Hillary clinton stayed during her visit to Nairobi last month, Kenyan TV Reports - Watch the Video




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Saturday, September 5, 2009

Janaqoow: Soomaalidu Waa wada Ahlu Sunna Waljamaacah

Qudbo oow ka jeediyay wasiirka cadaaladda Sheekh Abdirahman Janaqoow, Xafladii Soo Dhowaynta Wafdigii Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya asagoo horkacayay wafdigaas mar uu booqosho gaaban ku yimid caasimadda dalka Norway Oslo 23.07.09





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Burcadbadeedka Kenya ku Xiran oo Xaaladooda uga Hadlay Kalnzo Musyoka

Dhalinyarta loo soo xiray burcad badeednimo oo lagu hayo xabsiga Shimo La Tewa ee ku yaal magaalada Nairobi Kenya ayaa soo booqday madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka. Waxay uga waremeen xaaladda ay ku jiraan. Daawo video-gan





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Thursday, September 3, 2009

Wareysi Madaxweynaha siiyay Aqbaari Aan Imarat TV

Madaxweyne Sh. Shariif oo La Weydiiyay Su'aalo kul kulul ayaa wareysi siiyay telivishionka imaaraatka ee Akhbari' Aan ee dalkaasi Imaraatka. Daawo Video-gan ah wareysigii lala yeeshay madaxweynaha ahaana mid aad u xiiso leh kuna baxay luuqadda afcarabiga. Riix cinwaanka, masawirka ama Sii Aqri link ee hoos.



Fadlan Halkaan Riix Daawo Wareysiga


Gaar Bogga Hore - Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Daawo VIdeo ah: xiriirka Kubadda Cagta ee Somalia oo Qoorta isugu jira

Halkaan Ka Daawo warbixin ku saabsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Ismari la'




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Sicir Barar: Loorkii Sokorta ah oo $40 maraya Muqdisho

Mogadishu, Somalia: Waxaa sii kacayaan qiimaha sokorta ay joogta ka dib markii la waayay wax ganacsato soo gelisa dalka stock sokor cusub sidaa darteedna waxaa qaali sii noqonaya sokorta iyadoo haatan halkii loor oo sokor ah ay sii mareyso $40.00 halka qiimahiidii hore ahaa $20 ka yar. Daawo Universal TV faahfaahinta ku saabsan sicir bararka ka dhacaya Soomaaliya





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Ciidanka Badda oo BROKE ah

Sida ay u egtahay waxaa tababar dhowaan loo dhameeyay koox lagu magacaabo ciidanka Badda Soomaaliya. Inkastoo aanay jirin cidkale oo magacaas ku qabsan karta, waxaa jirta in ragaan 'la tababaray' aysan ka duwaneyn dadka caadiga ah iyagoo sidooda oo kale aanan heyn wax biil u ah markii laga reebo hal saabuun iyo sodon doolar bishii. Markii arinkaas la sii fiiriyo, waxaa sii dheer in dhalin yartaas dhan 500 oo askari loo diyaarinayo inay ka hortagaan burcad badeedka. Waa su'aale, nin s$30 bishii la siiyo siduu u celin karaa nin malaayiin doolar sanadkii qori caaradiis ku soo xareeya? Daawo Video-gan Ciidanka Badda Soomaaliya oo koondhadii lagala soo daahay aanan la siin wax lacag ah labadii bil lasoo dhaafay.





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Jaaliyadda Imaaraadka Carabta oo Shir Laqaatay Madaxweynahooda

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Soomaaliya Sh. Shariif Shiikh Axmed oo La Kulmay Ganacsatada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Degan imaaraatka carabta





Fadlan Ku Laabo Bogga Hore oo Ha Moogaan Video-yada Cusub oo Kan Ka Dambeeyay iyo Kuwii Horey Kuu Dhaafayba: Halkaan Riix - Somchat.com Front Page


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Eedeyn Kulul oo Ka Socota Dowladda KMG kuna Socota Mucaaradka

Afhayeenka Ciidamada daraawiishta Dowlada KMG ah oo eedeyn kulul u jeediyay xogaga ka soo horjeeda: Daawo videogan uu si kulul ugu canaanayo


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat